Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaca ka qaaday in deegaannada Maamulkaasi la keeni doono Ciidamo ka socda Midowga Afrika AMISOM.

Halkaan ka akhri

War ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa sheegaya in deegaannada Maamulkaasi la keeni doono Ciidamo ka socda Midowga Afrika AMISOM.

Warkan oo laga sheegay Warbaahinta Puntland ayaa waxaa si caddaan ah mar kale loo shaaciyey in deegaannada Maamulka Puntland la gayn doono Ciidamada AMISOM si ay u xaqiijiyaan ammaanka, maadaama Deegaannada Maamulkasi ay soo gaareen Ciidamo iyo Saraakiil ka tirsan Kooxda Al Shabaab, sidaas waxaa laga soo xigtay Wasiirka amniga ee Maamulka Puntland Khaliif Ciise.

Sidoo kale Khaliif Ciise Mudan ayaa waxa uu sheegay inay socdaan kulamo ay la leeyihiin Saraakiisha Ciidamada Midowga Afrika AMISOM kaasi oo ay kaga hadlayaan sidii deegaannada Maamulkaasi loo geyn lahaa Ciidamada AMISOM.

Dhinaca kale halkaani ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe deegaannada Maamulka Puntland laga hadal hayay in Magaalada Gaalkacyo iyo Garoowe la geynayo Ciidamo ka socda Midowga Afrika AMISOM si ay xaqiijiyaan ammaanka halkaasi.

SomaliSwiss      Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: