Imaamyada 10-ka Masjid ee ugu waaweyn dalka Sweden oo ay basaaseen Dumar Xijaaban oo Kaamirooyin ka duubay iyo fadeexad ka taagan.

HOOS KA DAAWO VIDEO

Halkaan ka akhri

Fadeexad weyn iyo ceebeyn aan yareyn oo loo jeedinayo Imaamyada, Masjidyada ugu waawayn dalka Sweden ayaa hareysay shaashadaha Telefishinnada dalkaas, ka dib markii dumar aan xijaaban oo Qaarkood aysan Muslim ahayn ay siyaabo qiyaano ahaa wareysiyo uga qaadeen imaamyada 10 Masaajid oo ku yaalla dalka Sweden.HALKAAN KA FIIRSO VIDEO-GA TV-GA SWEDEN LAGA SII DAAYEY EE LAGA DIYAARIYEY IMAAMYADAAS.

Imaamyada 10-ka Masjid ee ugu weyn dalka Sweden ayuu basaasid ku sameeyey telefishinka Sweden ee SVT barnaamijkiisa sirbaarista oo lagu magacaabo “ ”Uppdrag granskning” iyaga oo u adeegsaday haween xijaaban oo kaamirooyin qarsoon lagu soo xiray, kuwaas oo su’aalo loo soo dhiibay waydiinayay Imaamyadaas oo u haystay inay shaqsiyaad latalinayaan.

Labo Dumar ah oo midkood la sheegay in aysan Muslim ahayn ayaa Telefishinku ugu labbisay xijaab, iyagoo hore loogu qalabeeyay,  Aaladda Kaamirooyinka Basaasiinta ee lagu duubo maqalka iyo muuqaalka.

Haweenkaan oo booqday 10 Masaajid si ay ula kulmaan imaamyada ugu wawayn masaajidyadaas oo badankood Soomaali yihiin ayaa iska dhigayey, dad xal diimeed u doonaya arrimaha Qoysaskooda, iyagoo beegsanayay Su’aalo loo soo dhiibay si ay u waydiiyaan dhammaan Imaamyada, iyagoo iska dhigaya dad dhibanayaal ah oo talo u baahan.

Ujeedada guud ee barnaamishkaas TV-ga Sweden ayaa lagu sheegay,  in ay salka ku hayso, Mashruuc lagu doonayey in lagu ogaado waxyaabaha ay aaminsanyihiin imaamyadaas iyo nuuca talooyinka ay bixiyaan inay ku lid yihiin shuruucda dalkaas iyo in kale.

Barnaamish soconaya 60 daqiiqo oo TV-gu ka diyaariyey dabagalkaas , ayay fadeexadda inteeda ugu badan ku saabsan tahay in Imaamyada Badankood ay kala hadlayaan, iyagoo hal su’aal laba si uga kala jawaabaya markii ka jawaabyeen su’aal ay Khaas u haysteen oo lagu qiyaamay iyo isla su’aalihii oo si toos ah TV-gu u waydiiyey, iyagoo bixiyay jawaabo is diidan markii ay la hadlayeen haweenka Kaamirada xambaarsanaa iyo marka Labaad ee TV-ga. HALKAAN KA FIIRSO VIDEO-GA LAGA DUUBAY IYO BARNAAMISHKA LAGA DIYAARIYEY

Su’aalaha haweenkaan ay weydiiyeen imaamyada Masaajida ayaa waxaa ka mid ahaa: Ninku Hal naag ka badan maku guursan karaa Sweden?

Haddii nin uu xaaskiisa u gacan qaado, maxaa ku jaban haddii ay booliska ugu wacdo ama ku dacweyso, iyo Haddii aysan Haweeneydu raalli ka ahayn ama aysan rabin in ay ninkeeda la-galmooto, maka diidi kartaa, iyadoon xanuun sanayn, isla markaana aan ku jirin waqtiga dhiigga Caadada loo yaqaan?

Su’aalahaas, Jawaabahooda oo ahaa, waxa ugu badan ee TV-gu raadinayay ayay 6 ka mid ah imaamyadaas kula taliyay haweenkii basaasayey in aysan booliska ku dacweyn ninkooda xitaa haddii uu gacanta u qaadayo.

Imaamyada 2 ka mid ah oo kaliya ayaa si cad ugu sheegay haweenkii xijaabnaa, in ay dacweyn karaan ragooda.

Sidoo kale 6 imaamyada ka mid ah ayaa kula taliyay haweenka in ay la seexdaan ninkooda, siduu rabana yeelaan, xitaa haddii aysan dooneyn. 9 ka mid ah imaamyada ayaa u sheegay haweenka in raggu ay xaq diiniya u leeyihiin in ay guursadaan haweeney iyo wixii ka badan, iyagoo cadeeyay in aysan halmaan sanayn, in sharciga Sweden uusan ogoleyn, hal dumar ah ka badan.

Hal imaam oo kaliya ayaa u sheegay haweenka in uusan ninkooda guursan karin haween kale maadaama uu Sweden ku noolyahay oo la doonayo in uu raaco sharciga wadankaas u degsan.

Maamulka Masaajidka ugu weyn Stockholm ee ku yaala Medborgarplatsen ayaa markii loo bandhigay kaamirada laga duubay ninka u qaabilsan arimaha qoyska oo haweenka kula talinaya in aysan booliska ku dacweyn karin ninkooda oo gacanta u qaaday, isla markaana ay okey tahay in uu ninkoodu haween kale guursado ayaa maamulka Masaajidku go’aan ku gaareen in shaqada laga cayriyo imaamkaas.

Arintaan lagu sameeyay Masaajidyada oo u muuqatay mashruuc weyn oo ay iska kaashadeen Dowladda dalkaas, TV-yada iyo hay’ado kale ayay u fahmeen Muslimiinta dalkaas ku dhaqan shirqool loogu tala galay in lagu ceebeeyo iyaga ama lagu magac dilo dadka Muslimiinta ah iyo Islaamka.

10-ka masaajidka ee lagu sameeyay basaasida ayaa kala ahaa: Stockholms stora moské, Islamiska kulturcentret/Rinkeby, Göteborgs moské, Örebro moské, Sundsvalls moské, Imam Ali Islamic Center i Järfälla, Islamic Center i Malmö, Uppsala moské, Salsabil kulturcenter Malmö iyo Bellevuemoskén.

WARKAAN OO AAD U FAAH FAAHSAN  HOOS AYAAD KASII AQRI KARTAA ISAGOO KANA DAAWA KARTAA.

Dhammaan kooxa Diimeedyada abaabulan, kalana duwan ee isugu jira Muslim, Masiixi iyo kuwa kale ee ka howl gala dalka Sweden ayay dowladda dalkaas siisaa dhaqaale joogta ah oo dhinac kasta leh, kaas oo laga bixiyo qasnadda Canshuuraha dalka, hase yeeshee, shuruudda ugu waaweyn ee loo siinayo taageeradaas ayay ka mid yihiin;-

In ay ka shaqeynayaan isku xirka iyo xoojinta Umadaha kala duwan ee ku dhaqan dalkaas iyo waxyaabo kale oo fara badan, kuwaas nuxurka guud ee qodobada laf dhabarta heshiiskaas ay ugu waaweyn yihiin:-

In ay waajib ku tahay ururada, kooxaha iyo Jaaliyadaha abaabulan ee maamula kulamada joogtada ah ee dad badan isugu yimaado, isla markaana dowladdu dhaqaalaha siiso  ay dhowraan sinaanta ragga iyo Haweenka, inay ka hor tagaan takoorka, fowdada iyo waxyaabo kale.

Hadaba, si loo hubiyo, in arrimahaas kor ku xusan ay fuliyaan  
imaamyada maamula Masaajidyada Soomaalida ee dalkaas ayay dowladda Sweden, waxay howl gelisay mashruuc lagu hubinayo, iyadoo weerar qarsoodiya oo loo isticmaalay Dumar xijaaban oo wata Kaamirooyin Qarsoon iyo Mikarafoonno loo adeegsaday inay galaan 10 Masaajid oo Soomaalidu maamulaan oo ku yaalla dalkaas.

Dumarkaas oo ay wada shaqeynayeen Qeybo ka mid ah telefishinada dalkaas ayaa hore loogu sii dhiibay Su’aalo isku mid ah oo ay waydiinayeen Imaam-yada 10-ka Masaajid ee ugu waawayn kuwa Soomaalida Sweden.

Masaajidyadaas oo sida lagu sheegay barnaamish laga sameeyay ay qaarkood si toos ah dowladdu dhaqaale u siiso, halka kuwa kalena ay fangareeyeen dowladaha hoose ayaa Laf dhabarka su’aalaha dumarka baaritaanka Masjidyada sameynayay loo dhiibay waxaa ugu weynaa:-

Bal in lahubiyo, talooyinka ay imaamyadaasi siiyaan dumarka nimankoodu naago kale la guursadaan ama nimanka guursada Hal naag ka badan Sweden dhexdeeda, talooyinka iyo fikirka ay ka bixiyaan imaayadu.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa, waxyaabaha la baarayey, talooyinka ay siiyaan, Haddii nin u gacan qaado xaaskiisa, inay ku taliyaan inaan Police-ka loo sheegin iyo weliba fikirka imaamyade ee ku aaddan, xuquuq intee la’eg ayay dumarku u leeyihiin inay ninkeeda u diido Galmada haddii aysan iyado dooneyn, xittaa iyadoo jirraneyn ama aan ku jirin waqtiga dhiigga Caadadu ku dhaco.

Waxaana Barnaamishkaas TV-yada Sweden laga sii daayey lagu sheego, in jawaabaha Wareysiyadii qiyaanada ahaa ee Imaamyada laga qaaday ay ka soo baxday in dhaqaalihii dowladdu ku bixinaysay Masaajidyadaas si ay u fuliyaan shuruucda dalkaas aysan waxba ka hirgelin.

Tobankii Imaam, Laba oo kaliya ayaa dumarkii Kaamirooyinka ku hubaysnaa ee u tegay kula taliyey, in ay Police-ka ku ashtakeey karaan nimankooda, halka Laba Imaam oo kalena ay ku taliyeen in ay arrintaasi tahay hadba sida ay u aragto Haweeneyda la dhibaateeyay, haddii ay ninkeeda dacweyneyso ama iska cafineysana ay kala dooran karto.

Lixda Imaam ee kale, waxay ku taliyeen, in dhibaato kasta oo Familka ka dhex dhacda ay wanaagsan tahay in lagu xalliyo familka dhexdiisa.

Guurka Hal Naag Ka badan, markii ay noqoto, Sweden ninku maguursan karaa Hal naag ka badan ayay Sagaal ka mid ah Imaamyadaas waxay Haweenkii Kaamirooyinka Qarsoon watay u sheegeen in ay Aayd Qur’aan tahay, in ninka Muslimka ah guursan karo 4 naagood, haddii uu ka soo baxo shuruudaha aayaddu tilmaantay.  

Hal Imaam ayaa sheegay in si qaldan nimanku u fasirtaan ama
qeyb kaliya ka qaataan Aayadda nimanka xaqa u siineysa inay
guursan karaan hal naag iyo wixii ka badan, isagoo sheegay, in Suurad dhan dumarka loogu magac daray, isla Aayaddaas nimanka fasaxaysana ay nimanka u diidayso inay guursadaan hal dumar ka badan, taas oo uu sheegay inaysan samayn karin ay tahay waxa banii’ aadamka caadiga ah aan laga fili karin.

Dhinaca Gogosha iyo Galmoodka ayay Lix ka mid ah Imaamyadu isku raaceen, inaysan Haweeneydu xaq u lahayn, xittaa haddii aysan iyadu rabin, in ay ninkeeda Galmoodka ka diido haddii aysan xanuunsaneyn ama Caado waqtigeed ku jirin, iyagoo daliishaday Ayado Quraana.

HALKAAN KA FIIRSO VIDEO-GA LAGA DIYAARIYEY IMAAMYADA IYO ARRIMAHA LA XIRIIRABA

SomaliSwiss NewsDesk
SomaliSwiss@hotmail.com

READ HERE IN ENGLISH WORD BY WORD CONVERSATION SCRIPT IN THIS ARTICLE

%d bloggers like this: