C/weli Gaas oo maanta Xiray Shir looga Hadlayay qumaati u shaqeynta warbaahinta Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

R/wasaare C/weli  ayaa  Maanta ka qayb galay  Xiritaankii Shir looga Hadlayay Istiraatijayadda warbaahinta, shirkaas oo ay ka soo qeybgaleen Suxufiyiin iyo Hay’adaha ka shaqeeya xuquuqul Insaanka waxaana maanta lagu soo gabagabeeyay Magaalaa Muqdisho.

Sidoo kale waxaa Shirkaas ka qeybgalay R/wasaare C/weli “Gaas”, wasiirka Dastuurka, wasiir ku xigeeenka wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta iyo guddoomiyaha maamulka G/Banaadir.

Dhanka kale R/wasaare C/weli oo shirkaasi haddal kooban ka jeediyay ayaa wuxuu sheegay in kulankan uu aad u qiiimo badan yahay, isla markaana ku qutomay mowduuca ay ka doodayeen ka qeybgalayaasha kulanka ee ku aadana dhinaca xuquuqul insaanka iyo xuquuqda uu suxufiyiinta siinayo Dastuurka cusub ayaa sheegay in dowlddiisu ku guuleeysatay hirgelinta Qariiddadda Roadmapka, iyadoo ahmiyad gaar ah siisay dhowrista xuquuqul insaanka iyo tan suxufiyiinta.

Shirkan oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay inta badan suxufiyiinta dalka iyadoo lagaga doodayay qabyo qoraarka dastuurka iyo ahmiyadda uu siinayo xuquuqul insaanka.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: