Horjoogihii Gobolka Banaadir u qaabilsanaa Al-Shabaab oo ka goostay Xarakadiisii.

HOOS KA DHEGAYSO CODKIISA

Halkaan ka akhri

Horjooge  ka Tirsanaa Xarakada Al-Shabaab oo magaciisa lagu sheegay Cali Maxamed Xuseen Cali Dheere (Maaha Afhayeenkii Al-shabaab) oo ahaa Horjooggihii maleeshiyada kooxda Al-Qaaacida, garabkeeda Al-shabaabka Soomaaliya ee gobolka Banaadir u qaabilsanaa Xarakada Al-Shabaabka ee Gobolka Banaadir  ayaa wuxuu la soo xiriiray idaacadaha Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu Alle Uga Towbad Keenay, qaladaad badan iyo Waxyeeladii uu u geystay Umadda Soomaaliyeed.


Horjooge Cali Dheere oo ahaa ninka u qaabilsan, maamulka gobolka banaadir oo arrintaas ugu waramaayay Raadiyaha Dowladda KMG ah ayaa hadalkiisa ku sheegay inuusan haatan ka tirsaneyn, isla markaana wax maamul ah u heyn Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale Cali Jeesto waxa uu sheegay in waqtigiisa ugu badan uu maalin walba ku bixiyo Toowbada Alle maadaama Danbigii uu galay uu ka warqabo baaxadda ay la eg-tahay, wuxuuna sheegay inuu qorsheynayo haddii uu fursad ku helo Shacbiga Soomaaliyeed inuu meel fagaare ah kala hadli doonaan, isla markaana uu cafis ku weydiisan doono.

Horjooge Cali Dheere ayaa qof walba oo Umadda Soomaaliyeed ka tirsan oo dambi ka tirsanaya ugu baaqay in ay la xiriirto, hase yeeshee wuu ka gaabsaday inuu cadeeyo halka lagala soo xiriiri karo.

Dhinaca kale, warar hoose oo laga helayo  Horjoogayaasha Al-Shabaab ayaa sheegaya in saraakiil sar sare oo ka tirsan xarakadaas la filayo in ay ka soo laabtaan fikirkii Takfiiriga ahaa ee ay horay ugu dhex jireen, inkastoo aan la ogeyn inay tahay xeelad is badbaadina, qiyaano kale ama go’aan ka soo go’ay niyadooda oo run ah. HALKAAN KA DHEGAYSO CODKIISA


SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: