Advertisements

Qaramada Midoobay iyo caalamka oo ka walaacsan dib u dhac ku yimaada doorashooyinkii Soomaaliya ee August Sanadkan.

Halkaan ka akhri

Golaha amaanka ee Q,M  ayaa War murtiyadeed ka soo Saartay shirkii  shalay lagu soo gabagabeeyey oo loogu hadlayey xaaladda Soomaaliya, waxana Warmurtiyeedkaas lagu sheegay in madaxda dawlada Soomaaliya looga digayo inay dib u dhigaan doorashooyinka madaxtinimo marka la gaaro bisha August ee sanadkaan.

Sidoo kale Warmurtiyadeedka golaha amaanka ee Q,M waxaa lagu sheegay in beesha caalamku ay ka walaacsan tahay inuu dib u dhac ku yimaado in Soomaaliya ay doorasho ka dhici wayso isla markaana ay jiraan qodobo badan oo aan dawladu ku guul daraysatay inay wax ka qabato kuwaasoo ahaa go’aanadii ka soo baxay shirkii London ka dhacay bishii February ee sanadkaan.

war saxaafadeedka kasoo baxay golaha amaanka ee Q,M. ayaa lagu yiri “Waqtiga dawlada wuu uu ku socdaa dadaaladana siyaasadeed ee dawladu wadana waxaa ay marayaan marxalado adag”.  

Safiirka dawlada Maraykanka u fadhiya Q,M Haweenayda la yiraahdo Susan Rice oo kulankaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in dib u dhac ku yimaada in doorasho dhacdo bisha August ay tahay wax aan la aqbali Karin

Dhanka kale Susan Rice waxay tilmaamantay in dawlada Soomaaliya ay guulo ka gaartay amaanka dalka haddana loo baahan yahay in la qaado tilaabooyin siyaasadeed oo muhiim ah si looga baxo xilliga KMG waxaana ay intaa ku dartay in xilligaan aysan aqbali Karin in waqtiga dawlada KMG la kordhiyo.

Susan Rice oo ka hadlaysay xaaladda dalka soomaaliya waxay tiri: “Dib u dhac kasta iyo waqtigu dhamaado waa wax aan loo dulqaadan doonin waana in la sameeyaa dadaal klasta oo looga gun gaarayo in ku meel gaarnimada laga baxo”.

Waxaa Safiirka dawlada Faransiiska u fadhiya Q,M Gerard Araud iyo ku xigeenka safiirka Ingiriiska ee Q,M Philip Parham ayaa iyaga tilmaamay in lo baahan yahay in todobaadyada soo socda la fuliyo qodobo dhawr ah kuwaas oo muhiim u ah fulinta qorshaha tubta nabadda ee Road-Map,ka.

Balse Warbixinta ayaa waxaa lagu soo qaaday in Ergeyga Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjira Augustine Mahiga iyo Madaxweyne Shariif, inay si isku mid u sheegeen in dawladu u baahan tahay dhaqaale ay ku fududeyso waxyaabaha looga baahan yahay ka hor inta aan la gaarin bisha August ee sanadkan.

Si Kasta ha ahaatee sidoo kale waxa uu Ururka Midawga Yurub uu  dhawan sheegay inay ka soo hor jeeedaan in dawladu waqti kororsi samaysato.

Somaliswiss   New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: