Advertisements

Madaxweyne Shariif oo Golaha Ammaanka uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya, Beesha Caalamkana ku ammaanay mowqifkooda.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo shalay ka qayb galay shir ay Golaha Ammaanka kaga hadlayeen Xaaladda Soomaaliya ayaa wuxuu ku ammaanay in beesha caalamka doorka fir fircoon ee ay ka qaadaneyso taageerrada dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in dowladdiisu ay la dhacsan tahay mooqifka Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Soomaaliya ku taageerrayo.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id u qabtay saxaafadda kaddib shirkii Golaha ammaanka ee uu ka qeyb ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey Shirkii Golaha Ammaanka ee Q.M ay shalay ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya kaasi oo Madaxweynuhu Khudbad ka jeediyeywuxuuna Golaha hortiisa ka caddeeyey  inuu la dhacsan yahay mooqifka Golaha ammaanka ee ku aadan xal u helidda Soomaaliya, arrintaasina ay u arkaan mid ka turjumaya masiirka ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale Madaxweyne Shariif ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ay qaadaneyso tallaabo walba oo ay u arakto in dalka lagu gaarsiin lahaa casriga hadda jira ee dunidu, isagoo ku celi celiyay in marnaba aysan jiri doono wax dib u dhac ah oo ay dowladda Soomaaliyeed ogollaan doonto.

Madaxweyne Sheekh Shariif hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: .“xaaladda waa mid wanaagsan, beesha caalamkuna waa in ay dhabbeysaa ballan qaadayada ay u sameysay dowladda Soomaaliya, bisha Augusto ka hor waxaa si rasmi ah loo hirgalinayaa dhammaan qodobadii ka harsanaa Road Map-ka iyo ka gudbidda marxaladda KMG ah si loo qaado tallabaada xigtana ay lama maarmaan tahay taageerrada caalamka ee Soomaaliya”

Ugu dambeyntii haddalka madaxweynaha oo ahaa mid kooban ayuu ku soo gabagabeeyay in la gaaray waqtigii Soomaaliya ay la qabsan lahayd horumarka ka socda adduunka.

Somaliswiss   New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: