Advertisements

Wefdi ka socda odayaasha dhaqanka Somaliland oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Halkaan ka akhri

Wefdi ballaaran oo ka socda odayaasha dhaqanka Somaliland ayaa waxay saakay soo gaareen magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ka socda magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaraha Aadan Cadde si weyn ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Gadiid, iyo Dakedda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Qoorsheel oo ka mid ah guddiga soo dhaweynta shirka odayaasha dhaqanka Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in saakay magalaada Muqdisho ay soo gaareen odayaal ka socda walaallaha waqooyin Galbeed ee Soomaaliya, isla markaana ay si wanaagsan u soo dhaweyeen.

Sidoo kale Wasiiu dowlaha wuxuu tilmaamay in wefdiga ka socda Somaliland ay maalmahan la sugayey, balse haatan ay ku biirayeen odayaasha dhaqanka ee uu shirka uga socda magaalada Muqdisho, si ay u soo xulaan ergada anisixineysa Dastuurka iyo xubnaha cusub ee Barlamaanka dalka.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: