Advertisements

M/weynaha wadanka Pakistan Asif Ali oo dadaal uga jiro sidii loo badbaadin lahaa muwaadiniin loogu haysto gudaha dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dalka Pakistan Asif Ali Zardari ayaa sheegay in dawladiisu marayso wado kasta oo lagu badbaadin karo la haystayaal u dhashay wadanka Pakistan oo muddo ay ku haystaan gudaha dalka Soomaaliya koox burcad badeed ah.

Sida ay sheegeen Warbaahinta dalka Pakistan in M/weyne Asif Ali Zardari uu taleefoonka kula hadlay wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Raxman Maliki wuxuuna kuu amray in la qaado tilaabo kasta oo suurtagalinaysa in la bad baadiyo kudhawaad 9 ruux oo badmaaxiin u dhashay wadanka Pakistan kuwaasoo dul saran markab ay kooxaha burcad badeeda Soomaaliyeed qafaasheen bishii November ee sanadkii 2010.

The Pakistan Daily oo ah Wargeys ka soo baxa magaalada Islamabad ayaa ku waramaya asagoo soo xigana mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska M/weynaha inuujiro dadaal ay xukuumadda dalkaasi ugu jirto in la sii daayo la haystayaashaasi Pakistaniyiinta ah ee ku jira gacanta burcad badeeda Soomaaliyeed.

Balse wali ma cadda in dawlada Pakistan ay qaadi doonto tilaabo military iyo in kale hase yeeshee wararka ayaa sheegaya inay jiraan kulamo ay madaxda dawlada ka yeelanayaan sidii lagu bad baadin lahaa la haystayaashaas.

Dhanka kale sida ay horay u sheegeen Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ee heysta badmaaxiinta u dhashay wadanka Pakistan ayaa horey u dalbaday 8 million oo Dollar.

Si kasta ha ahaatee Burcad badeeda Soomaalida ayaa inta badan lacago madax furasho ah ka qaata gaadiid badeedka ay qafaashaan waxaana ay inta badan ku doodaan inay biyaha Soomaaliya ka difaacaan kaluumaysiga sharci darrada iyo in la wasaqeeyo.

SomaliSwiss      Islamabad

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: