Advertisements

Wasiirka Haweenka oo maanta Kulan La Qaadatay Xubno Ka tirsan Ururrada Haweenka Soomaaliyeed.

Halkaan ka akhri

Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo daryeelka Qoyska ee Dowladda KMG ah ee Soomaliya ayaa maanta xafiiskeeda kulan kula yeeshay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee ku sugan caasimadda, waxaana kulankaas looga hadlayay kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed ka qaadan karaan ansixinta dastuurka dalka.

Sidoo kale Kulankan waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda haweenka ayaa looga hadlayay marxaladda kala guurka ah iyo doorka haweenka kaga aadan arintaasi, iyo sidii loo sixi lahaa haddii ay jiraan waxyaabo lagu dhaliilayo Dastuurka qabyo qoraaka ah.

Waxaa kaloo kulankaasi ka hadlay Xubno ka tirsanaa haweenkii ka qeybgalay, waxayna hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay in haweenka Soomaaliyeed ay mudoobaan, iyo in haweenka la siiyo xubnaha baarlamanka ee ah boqolkiiba sodon 30%.

Dhanka kale wasiirka haweenka Maryan Aweys Jaamac ayaa waxay halkaasi ka Aqrisay waxyaabihii ka soo baxay kulanka ay la qaadatay haweenkaasi, waxana ugu muhiimsanaa.

–       In haweenku ay u  midoobaan sidii dalka loo nabadeyn lahaa

–       In si cad ay haweenku u helaan xubnihii loo qoondeeyay ee baarlamanka, iyo in ay shirka ka soo qeybgalaan kooxaha maqan.

Sida lagu wada ogsoon yahay Haweenka Soomaaliyeed waxay kaaliin mug leh oo  lama ilaawaan ah ka soo qaateen halgankii gobanimada iyo sida ay ugu hiilliyaan nabad ku wada noolaanshaha Ummadda Soomaaliyeed.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: