Advertisements

Hay’adda soo saartay warbixintaan iyo shaqadeeda.

Inkastoo aysan awood lahayn, hadana dalka Soomaaliya, sida dowladaha kale ee caalamkuba u shaqeeyaan waxaa ka howl gelayay, ama ka shaqeynayay sanadihii la soo dhaafay, hayado isku xiran oo mataano ah, wada shaqeeya, hayeeshee midba shaqo u gaar ah qabato, inkastoo ay wadaagaan, wixii informeeshin ah, hadana waa is waardiyeeyaan.

Xogta iyo sawirada kala duwan ee qaybta Soomaaliga ah ee warbixintaan waxay ku tiirsan tahay oo ay SomaliSwiss ka soo saartay, Dukumiinti English ah oo ay soo saartay Waaxda Maamulka iyo maareynta dhaqaalaha dadweynaha u qaabilsan Soomaaliya, waxaa qeybo ka mid ah xogta laga qaatay warbixin kale oo uu soo saaray Bankiga adduunka iyo Dukumiintiyo Soomaaliya oo laga heli karo kaydadka xogta ee hay’ado ka mid ah dowladda KMG ah. HALKAAN KA AQRI DUKUMINTIGA ORGINALKA AH.

Hay’adda soo saartay warbixintaan waxaa lagu magacaabaa, Waaxda Maamulka iyo maareynta dhaqaalaha dadweynaha, mana hoos tagto wasaaradaha dowladda, waxaa loogu tala galay in musq maasuqa lagula dagaalamo, waxay la shaqeynaysay hay’adani, Bankiga dhexe, Hanti dhowrka guud iyo xisaabiyaha guud, waana in ay 4-toodu wadaagaan warbixinada dhaqaalaha, wixii soo gala dowladda iyo wixii ka baxa iyo sidii ay baxeen, iyo kuwa la helo meelaha ay ka yimaadaan intaba.

Hay,adaan waxaa lamagacaabay xilligii xukuumaddii Cumar Cabdi Rashiid, waxaana sidaas ku taliyey Midowga Yurub, Bankiga Adduunka iyo dowladaha deeqda bixiya ee Soomaaliya caawinayay oo xukuumadda Soomaaliya u sheegay in lamagacaabo hay’ad ka madax banaan wasaaradaha oo Musuq maasuqa waardiyeysa.

Hay’addaan waxay u xilsaaran tahay ilaalinta gacan bidixeynta hantida qaranka, waxayna warbixinada dhaqaale iyo dukumiintiyadaba  la wadaagtaa dhammaan hay’adaha dowladda, warbixinada ay soo saarto waxaa loogu tala galaay dadweynaha iyo dalalka deeqaha ku kaalmeeya Soomaaliya ee aan dooneyn wax isdaba marinta, waana in ay sheegto markii wax la xado.

Wasaarada Maaliyadu waxay u xilsaaran tahay soo aruurinta lacagta, xisaabinta iyo u qeybinta lacagtaas wasaaradaha kale ee laga sugayo in ay ugu adeegaan bulshada.

Bangiga Dhexe waa inay kusoo dhacdaa dhamaan lacagta kaash ka ah, meeshay doonto haka timaadee, sida dekadda, garoonka, shirkadaha, degmooyinka, gobolada iyo deeqaha dibadda. Waana in bangigu hayaa oo kala maareeyaa dowladda dhexe iyo dowladaha hoose.

Hanti-Dhowrka Guud, waa inuu keydiyaa oo laga helo  koobiga dhamaan dhaqdhaqaaqa xisaabaha baxa ama soo gala dowladda.

Xafiiska Xisaabiyaha Guud, waa inuu koontaroolo oo is barbardhigo kharashaadka iyo dakhliga dowladda ee ka baxaya ama soo galaya bangiga dhexe, isagoo isha ku haynaya miisaaniyad-sanadeedkii uu ansixiyay baarlamaanku.

  1. Macnaha ay u taagan yihiin xarfo ama erayo la soo gaabiyey oo ku badan warbixintaan.
  2. Hordhac.
  3. Qiimeyn kooban Xukuumaddii Dr.Farmaajo, Dhaqaalaha soo galay iyo midka ay isticmaaleen
  4. Qiimeyn kooban, Xukuumadda Dr Gaas, Dhaqaalaha soo galay iyo midka ay isticmaaleen.
  5. Cadadka Lacagaha soo xarooda ee miisaaniyadda dowladda ku jira lagu xisaabtamo sanadkiiba haddii aan musuq maasuq lagu samayn.
  6. Lacagaha dowladdu Gudaha dalka ka heshay  2009-2010.
  7. Lacagaha dowladdu Dibadda ka heshay 2009-2010.
  8. Liiska Magacyada, Madaxda Maafiyada ah ee dhacday Qaranka Soomaaliya.
  9. Liiska dowladaha lahubo ee lacago kaash ah ugu deeqay Soomaaliya 2009-10.
  10. Madaxda Soomaalidu, sidii ay u kala badsadeen iyo meelaha ay ka qaateen lacagaha ay lunsadeen.
  11. Magacyada, Hay’ado, shirkado iyo ururo ay shakhsiyaad xil qaran hayay lacago uga qaateen magaca dowladda iyo maamuuska wasaaradaha ay ku magacaaban yihiin.
  12. 57 Pages Original Document (PFMU Report All)
  13. 22 Pages  Original Document (TFG Budget Summary)
  14. 18 Pages Original Document (World Bank report)

MOST IMPORTANT FIGURES AND TABLES OF THESE DOCUMENT

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com



Advertisements
%d bloggers like this: