Webiga Shabeelle oo ku fatahay qeybo ka mid ah Gobollada Shabeelooyinka iyo Hiiraan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Boqolaal Hecktar oo ka mid ahaa dhul beereedka uu maro Webiga Shabeelle ayay hanti beeleen dadkii Beeraleyda ahaa, markii Webigu uu bilaabay in uu ku fataho deegaanno katirsan shabeelooyinka iyo Hiiraan oo uu ka maro dalka Soomaaliya.

Biyaha Webiga oo haatan sameynaya Fatahaad baahsan ayaa qasaaro u geystay ilaa iyo hadda deegaano katirsan degmada Kuntuwaarey ee Shabeelaha Hoose, halkaas oo uu hore biyaha ugu daray oo baaba’iyay dalag ubadan Sisin iyo Qare, iyadoo sidoo kale lasoo sheegayo Fatahaado kale oo uu sameynayo qeybo ka mid ah Hiiraan Shabeellada Dhexe.

Dadka deegaanka Kuntuwaareey ayaa wada dadaal ay ku xakameynayaan qasaaraha fatahaaddaas, iyagoo meelaha qaarkood la arkayey in ay dhigayaan Jawaanno carro ah, iyagoo codsaday in lala gaaro Juuniyaal oo biyaha u dhigaan, iyagoo sidoo kale xusay inaysan heli karin Jawaano ay isticmaalaan oo ay si weyn ugu baahan yihiin dadka deegaankaas si ay u yareeyeen qasaaraha meelaha kale ee uusan weli gaarin.

Si kastaba, maadaama deegaankaas ay gacanta ku hayaan ururka Alqaacda, garabkiisa Al-Shabaab ma muuqaneyso gar gaar dhanka xakameynta Webiga ah oo dadkaas la gaarsiin karo, maadaama aysan ururkaasi ogoleyn in shacabka meelaha ay ka taliyaan ku dhaqan loo gargaaro.

SomaliSwiss Afgooye

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: