Advertisements

Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga furay xaruntii ugu horeysay ee bangi cusub oo Islaami ah oo la magac baxay (First Somali Bank).

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta albaabada loo furay xaruntii ugu horeysay ee bangi cusub oo Islaami ah oo la magac baxay (First Somali Bank).

Xaruntan oo laga furay magaalada Muqdisho ayaa waxa kasoo qeyb galay xafladii furitaanka, dadweyne badan oo iskugu jira Ganacsato, Qurba-joog, Aqoon-yahan iyo Ajaanibta ku nool magaalada Muqdisho qaarkood.

Bangigan ayaa lagu sheegay in uu yahay Islaami, waxaana ka mid ah howlaha ugu horeeya ee uu qabanayo maal-galinta guryaha iyo dhulalka.

Talaabada labaad ee bangiga ayaa noqon doonta sida lasheegay in goobaha ganacsiga magaalada Muqdisho uu dhigo mashiino lagu xoqdo kaararka lacagta ee uu bixin doono bangiga, isla markaana ay dadku ku iibsan karaan alaabaha iyaga oo aan wadan lacag kaash ah oo isticmaalaya kaararkooda.

Kaararkan oo ah nooc casri ah, waxaa wehlin doona aalada lagu magacaabo “Biometric Data” oo qof walba oo la siiyo kaarkaas uu marin doono fartiisa mashiinada la dhigayo goobaha ganacsiga, si looga hortago wax-is-dabamarin iyo inuusan isticmaalin kaarkaas qof aan aheyn qofkii iskalahaa.

Maamulaha bangigan bankigan oo lagu magacaabo Liiban Cabdi Cigaal ayaa faahfaahiyay qaabka uu u shaqeyn doono bangigan, isagoo balan qaaday in uu soo bandhigi doono adeeg ay ku diirsadaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibadiisaba.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: