R/wasaare Gaas oo u jawabay Madaxweyne Faroole.

Halkaan ka akhri

Ra’isal wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya C/wali M. Cali Gaas ayaa ka hadlay go’aankii ay dhawaan Puntland ka qaadatay Qabya tirka dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Ra’isal wasaaraha ayaa sheegay in warka madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ka soo baxay uusan waxba u dhimi Karin Geedi socodka Road Map-ka, islamarkaana uu yahay fikirka Puntland.

Ra’isal Wasaaraha ayaa tilmaamay in qorshe hawleedka RoadMap-ka uu marayo meel wanaagsan, wuxuuuna intaasi ku daray in dowlada Soomaaliya ay ka go’an tahay fulinta Road Map-ka.

“Puntland go’aanka ay qaadatay wuxuu la mid yahay midka dadku ka qabaan dastuurka”ayuu yiri C/weli Gaas

Sidoo kale Ra’isal wasaaruhu wuxuu sheegay inaan xilligan dastuurka loo qaadi karin afti dadweyne, balse loo qaadi doono markii la gaaro waqtigeeda, inta ka horreysana wax laga bedeli karo waxna lagu dari karo

Waxaa xusid mudan, ka dib markii waxyaabo badan laga bedelay dastuurka qabyada ah ka dib maamulka Faroole ee Puntland ay soo bandhigeen iyaguna in wax laga bedelo 36-qodob oo ku jira dastuurka cusub ee la doonayo in la ansixiyo, kuwaas oo ka dhigan in la bedelo inta badan dastuurka gebi ahaantiis, isagoo sheegay inaysan qodobadaasi la jaanqaadi karin Dastuurka cusub ee Puntland, sidaasi darteed ay tahay in la bedelo inta aan la ansixin, wixii aan waafaqeyn Dastuurka cusub ee Faroole oo u muuqda inay Puntland tahay dowlad aan ka tirsanayn Soomaaliya oo gooni u taagan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: