Advertisements

Khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay madaxweyne C/raxman Faroole iyo Ra’isal wasaare C/weli Gaas.

Halkaan ka akhri

Kadib markii uu dhowaan ku dhawaaqay Ra’isal Wasaare C/wali Max. Cali Gaas inuu yahay musharax u taagan tartanka jagada madaxtinimada Soomaaliya, ayaa waxa durbadiiba soo muuqday qilaaf iyo is-af-garanwaa u dhexeeya isaga iyo madaxweynaha Puntland C/raxman Faroole, oo markii hore filaayay in Ra’isal Wasaare Gaas uu ku kaalmeynayo isaga jagada madaxtinimada dalka.

Madaxweyne Faroole iyo Ra’isal Wasaare Gaas ayaa waxa horey u dhex maray heshiis qeexayay in Ra’isal Wasaaruhu uu ku caawiyo madaxweyne Faroole sidii uu ku gaari lahaa kursiga madaxtinimada dalka Soomaaliya, taasoo keentay in labada nin ay isku mowqif ka istaagaan qorshihii Road-Mapka iyo Dastuurka Qabyo-qoraalka mudadii labada sanno ee lasoo dhaafay la waday.

Lakin gabagabadii ayuu Ra’isal Wasaare Gaas lasoo baxay qorshe u qarsoonaa, kadib markii uu majaraha u qabtay shirka odayaasha soo xulaya xildhibaanada dooran doona madaxweynaha mustaqbalka, taasoo ka careysiisay C/raxman Faroole inuu badalo taageeradii uu u hayay Dastuurka Qabyo-Qoraalka, mar haddii ay usoo baxday in laga xigsaday dhankii odayaasha iyo xildhibaanada cusub.

C/raxman Faroole ayaa diiday inuu kasoo qeyb galo xafladii furitaanka shirkii odayaasha Muqdisho, wuxuna midaas ku daray inuu si buuxda u diiday qaabka uu u qoran yahay Dastuurku, inkastoo todobaad ka hor uu la dhacsanaa Dastuurka Qabyo-Qoraalka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: