Advertisements

Horjoogge Ajnabi ah oo ay ciidammada dowladda KMG Soomaaliya maanta gacanta ku soo dhigeen.

Halkaan ka akhri

War saakay naga soo gaaray magaalada Jilib ayaa sheegaya in  Ciidammada dowladda KMG Soomaaliya ay gacanta ku dhiggeen shalay galinkii dambe hogjoogge ajnabi ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, xilli uu marayay deegaanka Hos-hingow ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo ay dhallashadiisu tahay dalka Kenya.

Xildhibaan Geedi oo ka mid ah mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Hos-hingow ee gobolka Jubbada Hoose in ay fuliyeen howlgal guulleystay oo ay ku soo qabteen horjoogge ajnabi ah oo ka tirsan Al-Qaacidda, xilli uu Gaari ay la socdeen dad shacabka doonayay in uu ku baxsado.

Sidoo kale Xildhibaanku wuxuu uu tilmaamay in shacabka magaalada Kismaayo ay war bixinta ku aadan baxasadka horjooggahaasi soo siiyeen ciidammada Xoogga kaddibna ay ciidammada baaritaanno ka sameeyeen deegaanka Hos-hingow, isagoo sheegay in horjooggahani laga soo dajiyay gaari BL ah oo ay la socdaan dad shacab ah oo ku sii jeeday gudaha dalka Kenya.

Dhanka kale Xildhibaan Geedi wuxuu xusay in jorjooggahani dhallashada ay tahay dalka Kenya, isla markaana uu ka mid ahaa horjooggayaal ka dagaallantay magaalada Muqdisho ka hor intii aan Shabaab laga saarin, dhinaca waxa uu carrabka ku dhuftay in illaa iyo hadda aysan shaacin saraakiishii howlgalkaasi fulisay magaca horjooggahaasi.

SomaliSwiss      Jilib

Somaliswiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: