Advertisements

Ciidamada Amaanka Puntland oo magaalada Bosaaso ku Qabqabtay Boqolaal Qof oo Koonfurta Soomaaliya kasoo jeedo.

Halkaan ka akhri

 Ciidamada Amaanka Puntland ayaa Magaalada Boosaaso Ka Bilaabay Hawlgal Lagu Qabqabnayo Dadka Da’doodu ka Yar Tahay 30 -ka Sano.

Tiro Dad ah oo lagu qiyaasay Boqolaal dhalinyaro ah ayaa Ciidamada Amaanka ee Puntland ay saakay subaxnimadii ka qabqabteen dariiqyada iyo suuqyada magaalada Bosaaso, dadkaas oo inta badan lala xiriirinayay in ay ka yimaadeen Koonfurta Soomaaliya.

Waxaa Wadooyinka waaweyn ee magaalada Boosaaso lagu arkayey ciidamo fara badan iyo gaadiidka shabaqlaha loo yaqaan, kuwaasoo u daadgureynayey dadka ay qabtaan saldhiyada magaalada Bosaaso.

Sida la sheegay hawlgalkan oo ay ciidamadu ka fuliyeen gudaha magaalada Boosaaso ayaa ahaa mid aan horay loo shaacin, isla markaasna ma jirto wax war ah oo ay masuuliyiinta ammaanku ka soo saareen dadka la xirxiray iyo sababaha loo qabtay toona.

Si kasta ha ahaatee howlgaladan ayaa ku soo beegmaya kadib markii toddobaadkan lagu dilay gudaha magaalada  Bosaaso.

SomaliSwiss      Bosaaso

Somaliswiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: