Wasiirka Qorsheynta oo sheegay in Barnaamijka Road Map-ka uu meel fiican marayo, lana filayo in guul laga gaaro.

Halkaan ka akhri

Mudane C/llaahi Goodax Barre oo ah Wasiirka Qorsheynta qaranka iyo Xiriirka Caalamiga ee Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in meel wanaagsan marayaan qoraha Qariiradda dhabbaha nabadda Soomaaliya (Road Map),  isagoo sheegay in sidii loogu talagalay ay ku dhammeystirayaan arrimahaasi.

Sidoo kale Wasiirku oo xalay ka hadalayey barnaamijka Bandhigga Radio Muqdisho ayaa sheegay in75% lagu guulleystay qorshaha Road Map-ka ee ay dowladda FKMG ah ku howllan tahay sidii natiijo wanaagsan loo gaari lahaa.

Dkanka kale Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay ku dadaashay sidii inta badan loo hirgallin lahaa Road Map-ka, maadaama uu yahay dhabbaha Qariiradda Nabadda Soomaaliya iyo ka gudbidda marxaladda KMG ah ee ay dowladda Soomaaliya ku shaqeyso.

Mudane C/llaahi Goodax Barre aya xusay in waqtigii loogu talagalay lagu soo gabagbeyn doono dhammaan qorshayaasha dowladda u degsan ee ku aadan in dalka la gaarsiiyo dowladda joogta, iyadoo hadda uu magaalada Muqdisho ka soconayo shir weynaha lagu soo xulayo ergada anixineysa Dastuurka iyo xubnaha cusub ee Barlamaanka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Wasiirka Qorsheynta wuxuu shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay xoojiyaan Nabadgalyada ka jirta guud ahaan gobollada ay dowladda Soomaaliya gacanta ku heyso, si kuwa harayna looga saaro Al-Qaacidda, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyo in guul laga gaaro shir-weynaha odayaasha dhaqanka.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: