Advertisements

Kooxda Al-Shabaab oo ay layaab ku noqotay kadib markii 3 qarax oo ay dhigayeen ay iyaga ku qarxday Shalay & Maanta.

Halkaan ka akhri

Ugu yaraan 10 qofood oo dhammaantood ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan ugu dhintay laba qarax oo shalay iyo saakay ka kala dhacay deegaanno ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Qarax miino oo geystay qasaare dhimasho ah ayaa saakay waxa uu ka dhacay meel 30Km dhanka Koofure ka xigta degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud, iyadoo miinadaasina ay kula qaraxday rag ka tirsanaa Al Shabaab oo meel waddo ah ku aasayay.

Sida ay xaqiijiyeen Goobjoogeyaal deegaanka ah oo soo gaaray degmada Ceel-buur, waxaana la sheegay in miinadu ay ku qaraxday 3 qof oo ka tirsanaa Al Shabaab kuwaasi oo la sheegay in ay miinada aasitaankeeda ka wadeen meel waddo ah.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa lagu arkay meydadka sedaxdaasi ruux oo aad u jar jaran, kuwaasi oo masuuliyiinta degmadaasi ee Ahlu Sunna waljamaaca ay sheegeen in ay la qaraxday miino ay ku dhibaateyn rabeen dadka shacabka ah.

Dhinaca kale Dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay ku halaagsameen shalay maqribtii qarax kale oo ka dhashay gaari ay ku diyaarinayeen wax yaabaha qaraxa kaasi oo ay u qorsheeyeen iney ku qarxiyaan gudaha degmada Ceelbuur, hase yeeshee iyagii ku qarxay.

Qaraxa shalay oo sida goobjooge-yaal ka tirsan dadka deegaanku sheegeen ay ku dhinteen 7 qof ayaa ka dhacay meel dhanka bari qiyaas ahaan magaalada Ceelbuur u jirta 45KM ayadoo qaraxanna uu dhacay waqtiga salaadii maqrib.

Warar kala duwan oo laga helay dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in ay goobtaas ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 7 qof oo ahaa askar ka tirsan Al-Shabaab oo isugu jiray Soomaali iyo Ajnabi, kuwaas oo wada saarnaa gaariga qarxay oo la sheegay in laga soo dhacay degmada Ceeldheer.

Isla shalay ayay magaalada Muqdisho Miino uu aasayey kula qaraxday qof kale oo la sheegay inuu ka tirsanaa ururka Al-Shabaab kaas oo mid ka mid ah wadooyinka Muqdisho ku aasayey miinada, hase yeeshee ay isagii la qarxday.

SomaliSwiss Wabxo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: