Advertisements

Shir ay dalka Masar ku yeesheen 120 Dowladood oo lagu baaqay in dowladda Soomaaliya la-taageero.

Halkaan ka akhri

Wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka siyaasaddooda ay dhexdhexaadka tahay oo shir uga furmay magaalada Sharm el-Sheikh ee dalka Masar ayaa ka hadlay arrimaha Soomaaliya iyo arrimo kale oo caalami ah.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay 120 dowladood oo ay ka socdeen wasiirrada arrimaha dibedda iyo wakiillo matalayay waddamada xubnaha ka ah dhaqdhaqaaqa aan dhinacna raacsaneyn, waxaana goobjoog ka ahaa 17 dowladood iyo 10 urur oo caalami ah kuwaas oo marti sharaf ahaan uga qeybgalay.

Shirka intii  uu socday ayaa waxaa lagu baaqay in la taageero deddaallada ay waddo xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya si ay ugu guuleysato deddaalka nabadda ay dooneyso in ay uga qeybgeliso kooxaha ka maqan hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.

Wasiirrada dalalka siyaasaddooda ay dhexdhexaadka tahay ayaa soo jeediyay in mushkiladda Soomaaliya lagu dhameeyo dib-u-heshiisiin iyo wadahadal si loo gaaro nabad waarta oo ka dhacda dhulka Soomaaliya.

Sidoo kale, shirka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha ka jira dalalka Syria, Falastiin, Ciraaq iyo dagaallada u dhaxeeya dowladaha Sudan iyo Koonfurta Sudan iyo arimaha waddamada Laatiin Ameerika.

SomaliSwiss NewsDesk

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: