Advertisements

Switzerland: Ogeysiis iyo wargelin Muhim ah oo ku socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Zurich.

Halkaan ka akhri

Guddiga Fulinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Zürich waxaa uu ku wargelinaa ama uu ogeysiinayaa Soomaalida inuu jiro Seminaar ama Aqoon kororsi la xiriira Xagga Is-dhexgalka ( Integration ) oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Waaxda Is-dhexgalka ugu qaabilsan Degmada Zürich (Stadt Zürich) iyo Guddiga Fulinta Jaaliyada Kanton Zürich.

Sidaas darteed Seminaarkan waxaa uu billaaban doonaa 12-ka bishan May 2012, kaas oo hal maalin ah. Sidoo kale bisha Juun oo laba maalmood ah iyo bisha Luuliyo oo laba maalmood ah.

Haddaba Aqoon kororsigan waxaa lagu baran doonaa qodobbada kala ah:

1- Suchtprävention ( Alkohol, Drogen, Aids) .
2- Schwangerschaft, Verhütung.
3- Nothelferkurs.
4- Gesunde Ernährung.
5- Schweizer Schul-und Bildungs-system.
6- Integration und Kultur.

Sidoo kale waxaa lagu wargelinayaa Jaaliyadda in Saminaarka dadkii kasoo ka qayb gala isla markaana dhamaysta la siin doono SHAHAADO wax weyn u tari doonta, taas oo ay bixin doonaan Guddiga Jaaliyadda iyo Stadt Zürich.

Ugu danbeyntii Aqoon kororsigan waxaa lagu qaban doonaa Cinwaankan: Gartenhofstrasse 7, 8004 Zürich Zoonka Wiedkon, haddaba la xiriir Teefoonada
kala ah: 0788622306 iyo 0765273650.

Guddiga Fulinta Jaaliyadda

SomaliSwiss      Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: