HOOS DAAWO VIDEO & SAWIRADA
Halkaan ka akhri
HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA CALEEMO SAARKA UGAASKA GAALJECEL
[blip.tv http://blip.tv/play/h5NogvbcWwA width=”540″ height=”400″]
HALKAAN KA DAAWO SAWIRADA CALEEMO SAARKA UGAASKA GAALJECEL
Doraad oo ay Taarikhdu ku beegneyd 17 bisha lixaad 1433 ee hijriyada ama 08/05/2012 ee Taarikhda Milaadiga ayay Beesha Gaaljecel Tuulada Shaw oo hoos tagta Degmada Jalalaqsi ee Gobala Hiiraan waxaa ay ku Caleema saarteen si rasmi ahna uga dhaawaaqday in Xuseen Ugaas Cabdulaahi Ugaas Muxumed uu yahay Ugaaskooda ama hogaankooda dhaqanka.
Munaasabadaasi oo ahayd mid si heersareysa loo soo Agaasimay waxaa ka qeyb galay isla markaana khudbado guubaabo iyo dhiiri gelin u badana ka jeediyay madax dhaqameedyo iyo Ugaasyo ka kala socday qabiilada Soomaalida oo halkaas lagu Casuumay.
Xilkaan ayaa ah mid dhaxal ah waxaana uu Ugaas Xuseen ka dhaxlay Aabihiis Ugaas Cabdulaahi Ugaas Muxumed oo geeriyooday horaantii sanadkii tegay ee 2012.
Abwaano ay ka mid yihiin Xasan Barrow Boqor oo sidoo kalena nabadoon ah iyo Yuuusuf Dhalahow ayaa Xafladda Gabayo ka jeediyay. Waxaa sidoo kale Khudbado wax ku ool ah ka jeediyay Nabadoono Metelayay Jufooyinka Beeshu ka kooban tahay.
Buun ayaa la yeerinayay dadkuna Caleemo qoyan ayay ruxayeen waxaana la is daba dhigayay tixo gabay ah oo qaarkood Ugaaska lagu amaanayo iyo kuwo loogu sheegayo Culeyska Mas’uulayadd uu qaaday leedahay iyo in uu Cadaaladda ka shaqeeyo oo aanuu Beesha u kala eexan.
Kadib markii lacaleema saaray Ugaas Xuseen Ugaas C/llaahi ayaa waxaa uu halkaasi kula hadlay dhammaan dadkii xafladaasi kasoo qeyb galay, waxaa uuna carabka ku adkeeyay in hogaamintiisu noqo doonto haddi Alle idmo mid Shareecada Islaaka ku saleysan.
Beelaha Soomaalida ayuu u sheeegay in aanay jirin wax lagu badbaadi karo oo aan ahayn Diinta Islaamka, sidaa Daraadeedna ay tahay in ay ku dhaqmaan .
Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in uu haddii Alle yiraahdo uu Cadaaladda ka shaqey doono.
Ugaas Xuseen waxaa uu tilmaamay in qorshaha ay ugu jirto in uu xaliyo haddii ay jiraan wax mad-madow ah oo Beeshiisa ka dhex jira, iyo wixii ay kala tabanayaan Beesha Gaaljecel iyo Qabiilada kale ee ay ood wadaagta ama deriska yihiin.
Intaasi kadib waxaa halkaasi hadala kooban ka jeediyay qaar kamid ah Odayaashii, Abwaanadii iyo Madaxdii halkaasi isugu timid waxaa ayna gabigood taageereen caleema saarkan Ugaaskooda Cusub ee Ugaas Xuseen Ugaas C/llaahi.
Abwaan Xasan Barrow Bocor oo ka tirsan Nabadoonada Caanka ah ee Beesha Gaaljecel ayay Beeshu wakiilatay in uu Cod sareeya ku yiraahdo “GaalJecel waxaa Ugaas u ah Ugaas Xuseen Ugaas Cabdulaahi Ugaas Muxumed” waxaana uu uga hor dhawaaqay erayadaasi ka qeybglaayaasha Munaasabadda.
Markaas kadib dadka oo wada faraxsan ayaa yiri “Allaahu akbar” Ugaas Xusees ayay tilmaameen in Beelweynta Gaaljecel oo dhan u yahay Ugaas, iyagoona intaasi ku daray in Ugaas Xuseen uu yahay kii (22) laba iyo labaataanad ee beeshu yeelato.
TAARIIKHDA UGAAS XUSEEN OO KOOBAN
Ugaas Xuseen Ugaas C/llaahi waxaa uu ku dhashay Degmada Buq-Aqable ee Gobalka Hiiraan sanadkii 1976-kii ee Taariikhda Milaadiga, waxaanuu iminka ku jiraa sanadiisii 36-aad.
Waa Nin dhalinyaro ah oo Sunadu ka muuqato, si aadna u degan, waxaanuu Qur’aanka ku dhameeyay isla degmada uu ku dhashay.
Waxaa uu ka baxay Dugsi sare kadibna waxaa uu ka qeybgalay Dowrad Diini ah.
Asiga oo ay kor u sidaan rag ka tirsan Jufada Curadka u ah Beesha GaalJecel ee Barsane, Kitaabka Qur’aanka Kariimka ahna Gacanta Midig ku haysta korna u taagaya ayaa laga soo geliyay Albaabka Goobta Munaasabadda Caleema saarkiisu ka dhaceysay ee Tuulada Shaw.
Waxa la sheegay in uu Caan ku yahay Farda fuulka ama fardo bedridda.
Madaxda dhaqanka Beesha Gaal Jecel ee Munaasabadda joogay una riyaaqay in uu hogaanka u qabto Ugaas Xuseen Ugaas Cabdulaahi waxaa ka mid ahaa:-
- Maxamed Axmed Kulmow oo wakiil ka ahaa Curudka Gaaljecel ee Barsane.
- Nabaadoonka Dirisame – Cusmaan Aadan Nuur (qataarey)
- Nabadoonka Sugoow – —-
- Nabadoonka – Caloofi Xasan Qaasim Kheyley
- Nabadoonka Caafi – Maxamed Barrow
- Nabadoonka Abtisame – Xuseen Xassan Aamin (Geryare)
- Nabadoonka Axmed Aadan – Sheekh Muuse Maxamed.
- Nabadoonka Oday Cad – Yuuqow Muumin Xareed .
- Sheekh Muuse Cumar Cabdi oo ka socday Abtisame qeybta degta Gobalka Sh/ dhexe.
- Nabadoonka Bees – Xasan Jeelle Yuusuf.
- Nabadoonka Dirisame — —
- Nabadoonka Noolow —
- Nabadoonka Doqondiide
- Nabadoonka Magan —
- Nabadoonka Cowramale
- Iyo Nabadoono wax garad kale oo fara badan.
Soomaalidu waxaa ay leedahay Madax dhaqameedyo Beelaha hor kaca welow waayadii dambe Siyaasaddu ka xoog badisay oo Xukunkoodu aanuu sidii hore ahayn.
Hogaamiyo dhaqmaeedyadu waxa ay beelaha iyo guud ahaan Dalka iyo dadka u horseedi karaan Guul iyo Guul darro labadaba, waxaase Ugaaska Cusub loo rejeeyya in uu Beeshiisa iyo Soomaalida kaleba wanaag u kor kaco.
SomaliSwiss Buqaqable
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Baladweyne |
You must be logged in to post a comment.