Caasimadaha Muqdisho iyo Istanbul oo lagu heshiiyey in mataano laga dhigo.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Labada Duq magaalo ee caasimadaha Muqdisho iyo Istanbul oo xalay wada casheeyay ayaa isla soo qaaday, iskuna afgartay in labada Caasimadood mataano laga dhigo.

Duqa magaalada Muqdisho oo maalmahaan ku sugnaa Turkiga oo lagu casuumay Casho sharaf lagu qabtay xarunta dowladda hoose ee Istabul ayey labada masuul kawada hadleen arrimo badan oo quseeya xiriirka magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbuul.

Duqa magaalada Muqdisho oo ay casho sharafta caawa ku  wehliyeen masuuliyiinta dowladda hoose ee Muqdisho ayaa wareysi kooban oo uu siiyay website-kan wuxuu sheegay in dhiggiisa magaalada Istanbul Mr. Kadir Topbas ay kawada hadleen sii xoojinta xiriirka labada magaalo ee Muqdisho iyo Istanbul.

“Taariikhda magaalada Istanbul markii ugu horeysay waxey naga dalbadeen in aan mataaneyno magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir Mr. Tarsan.

Mudane Maxamuud Axmed Nuur ayaa sidoo kale sheegay in dowladda hoose ee magaalada Istanbuul ay dhawaan xubno qubaro ah u soo diri doonaan magaalada Muqdisho kuwasoo meel marin doona codsigii uga yimid dhigiisa Istanbuul ee ahaa mataaneynta Muqdisho iyo Istanbuul.

Tarsan ayaa aqbalay soojeedinta Kadir Topbas oo ah duqa magaalada Istanbuul ee ku aaddan mataaneynta labada caasimadood, isagoo arrintaas ku tilmaamay guul u soo hoyatay dadka reer Muqdisho.

SomaliSwiss NewsDesk

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: