Advertisements

Caasimada dalka Uganda oo ay maanta ka dhacayso Xaflad lagu soo sogootinayo ciidamo Soomaali ah oo Tababarkooda soo dhamaystay.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta Caasimada dalka Uganda ee Kampala ka dhacayso munaasabad ballaaran oo lagu soo sagootinayo ciidammo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo Tababar ku qaadanayey dalka Uganda oo dhamaystay Tababarkooda.

 warku wuxu intaa ku darayaa in Saakay Xarunta safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay magaalada Kampala ay ka socota sidii loo sagootin lahaa Ciidamadaas iska markaasna loo dhiirigelin lahaa  ciidamada Tababarkooda dhamaystay.

Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa saakay oo khamiis ah tababar ugu soo xeraya dalka Ugandha ku dhowaad Kun Askari oo kusoo biiraya Ciidammada Xoogga Dalkeenna.

Ciidammadan uu tababarkooda ku dhamaystay mudo Lix bilood ah waxey tababar ku qaadanayeen xerada Kamamba ee duleedka magaalo madaxda dalka Ugandha ee Kampala ayadoo tababarkaasina ay siinayeen Ciidammada Saraakiil ka socotay Midowga Yurub oo iyagu tababarradan maalgelinaya.

General C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa Ciidamadan cusub ee tababarka u dhamaaday u jeediyeykhudbad ku aadan waajibaadkooda iyo sida ay uga qeybgelayaan xoreynta dalka laga xoreynayo Maleeshiyada Al-Shabaab ayadoo sidoo kale wuxuu Taliyuhu Ciidammada qaarkood halkaasi ku siiyey abaal marinno.

Ciidamadan tiradooda lagu sheegay ilaa ku dhow Kunka Askari (1000) waxay dib ugu soo laabanayaan dalkooda hooyo si’ay u gutaan waajibaadkooda islamarkaana ay uga dhabeeyaan dhaartii ay u mareen dalka,dadka iyo diinta.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in munaasabadda ay ka soo qeyb galeen wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, taliyaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, saraakiil ka tirsan ciidammada Xoogga, masuuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kampala.

Ujeedada munaasabadda ayaa la sheegay in ay tahay sidii loo dhiiragalli lahaa, islamarkaana loo soo sagootin lahaa ciidammada Xoogga dalka ee Tababarka ku qaatay dalka Uganda, ciidamadan ayaa ka mid ah ciidammada Xoogga dalka ee ka qeyb qaadanaya howlgallada ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka ee Al-Qaacidda lagula dagaallamayo.

Dhanka kale Ciidamadan ayaa waxay tababarkooda ku soo qaateen Xerada Kamamba ee ku taala duleedka magaalada Kampala, sidoo kalena horey loogu soo tababaray Ciidammo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Si kasra ha ahaatee Dowladda Federaalka ee hada jirta ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii ay dib ugu soo nooleyn laheyd Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayadoo Dowladuna horey u tababartay Ciidammo farabadan waxaana taasi ay tahay mida muujineysa marxaladda ay Ciidammada ku suganyihiin iyo sida ay uga soo kabanayaan burburkii maadaama aynu wada xusuusanno Sanadguuradiii 52aad ee aas aaska Ciidammada Xoogga Dalka sida ay Muqdisho ugu dabaal degeen.

SomaliSwiss      Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: