Wasaaradda Biyaha Iyo Badroolka Oo Caddeysay inay wado qoorsho lagu Hormarinayo Korontada.

Halkaan ka akhri

Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Tamarta iyo Badroolka Soomaaliya ayaa sheegay in dhowaan magaalada Muqdisho laga hirgallin doono Koronto xoog leh, iyadoo dhinca kale Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay kala Shaqeeyaan Sidii dalka looga hirgallin lahaa Biyo Nadaaf leh iyo Koronto Tayo leh.

C/qaadir Maxamed Dhicisoow oo ah Wasiirka wasaaradda Biyaha, Badroolka iyo Tamarta ayaa wuxuu Maanta xafiiskiisa Warreysi ku siiyay warbaahinta qaranka, wuxuuna sheegay in Wasaaraddiisa ay wado qoorshe ay ugu tala-gashay in Muqdisho la siiyo Koronto xoog leh, is ay qeyb uga noqoto Xoojinta amaanka.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu tilmamaay in dhawaan ay Muqdisho keeni doonaan saddex Matoor oo ka awood badan kuwa hadda bixiya Korontada magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ug u deeqday dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta.

Dhanka kale Mudane C/qaadir Maxamed Dhicisoow ayaa ka hadlay qoorshaha waaxda Biyaha Ee wasaaraddiisa, wuxuuna sheegay in ay wadaan qorsho Lagu tira koobayo ceelasha biyaha ee ka howlgalla Muqdisho, si loo hello Biyo ay Saxadooda wanaagsan yihiin.

Ugu dambeyntii Wasiirka wasaaradda Biyaha, Badroolka iyo Tamarta ayaa ugu baaqay Ganacsatada sida gaar ah u leh Ceel Biyoodyada magaalada Muqdisho ka jira in ay wada shaqeyn la yeeshaan wasaaradda, si loo siiyo daawooyinka iyo taageerrada ay u baahan yihiin.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: