Culummada Soomaaliyeed oo shaaca ka qaaday in Jimcaha soo socda uu Muqdisho ka dhici doono Bannaanbax looga soo horjeedo Dastuurka cusub.

Halkaan ka akhri

Guddoomiyaha Majmaca culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Dhicisoow ayaa sheegay in maalinta Jimcaha ah ee soo socota uu Muqdisho ka dhici doono dibabax looga soo horjeedo dastuurka cusub ee Somalia oo uu muran badan ka taagan yahay.

Sidoo kale Sheekhu wuxuu sheegay in shirka Dastuurkan uu mid yahay shirkii Baarliin ee lagu qaybiyay Soomaaliya, wuxuuna xusay in qodobbadiisa ay ka mid yihiin kuwo lagu doonayo in Soomaaliya loogu qaybiyo boqol qaybood.

Guddoomiye Sheekh Dhicisoow oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Maalinta Jimcaha ah waxaa dhacaya mudaaharaad ay ka qaybgalayaan hal milyan oo qof oo looga soo horjeedo dastuurka cusub ee Soomaaliya, waxaana qabnaa haddii sidan lagu ansixiyo inuu khatar weyn ku yahay dalka iyo dadka,”

Dhanka kale Guddoomiyaha Majmaca Culummada Soomaaliyeed wuxuu hadalkiisa ku daray inay mudaaharaadkooda Dowladda kaga codsanayo adduunka ku ogeysiinayaan waxa ay doonayaan.

Si kasta ha ahaatee ma ahan markii ugu horreysay oo ay hay’adaha culummada Soomaalida ay ka soo horjeestaan Dastuurka cusub ee Soomaaliya oo ay ku tilmaameen mid ay ku jiraan qodobbo badan oo ka horimaanaya diinta Islaamka.

Balse lama oga sida uu ku qabsoomi karo dibadbaxa ay culummadu sheegeen inay uga soo horjeedaan dastuurka, iyadoo xukuumadda KMG ah ay toddobaadkii hore soo saartay digniin ku saabsan inaan la qaban karin shirar iyo Bannaanbaxyo aan lagu soo wargelin hay`adaha Amniga.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: