C/raxmaan Faroole oo warqad uu caalamka u diray ku diiday ansixinta dastuurka qabyada ah.

HOOS KA AKHRI WARQADIISA

Halkaan ka akhri

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa qoraal ay u dirtay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, dowladda Ingiriiska iyo meelo kale, waxaa lagu sheegay inaysan Puntland ku qanacsanayn qaabka la doonayo in lagu ansixiyo dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya iyo sida uu u qoranyahay intaba.

Warqad ka kooban laba bog oo ku taariiqeysan 04.05.2012, isla markaana uu saxiixay C/raxmaan Faroole ayaa lagu yiri “Innagoo tixraaceyna Dastuurka Qabyada ah ee loo samaynayo, dalka Soomaaliya, isla markaana dhuuxeyna nuxurka copy ka mid ah dastuurka qabyada ah ee la doonayo in la ansixiyo, kaas oo ay noo soo gudbiyeen, wakiiladeenu 30 April 2012, waxaan ka muujinaynaa aragtideena ku aadan arrintaas”.

Markii la dhuuxo Nuxurka warqadda uu Faroole qoray ee ay SomaliSwiss heshay ayay waxyaabihii ku qornaa sidoo kale ka mid tahay, iyadoo lagu faah faahinayey sababta diidmada Puntland, waxaana sidoo kale lagu yiri “Copy-ga aan helnay ee dastuurkaasi nooguma muuqdo inuu noqon karo dastuur oo dalku yeesho,sababtoo ah kama muuqato, waxyaabihii aas aaska u ahaa dowlad federaal ah, kumana muuqato habka awood qaybsiga ee Federaalku yeelan doono, balse taas bedelkeeda wuxuu u muuqdaa mid u diyaarsan habka ay u shaqeyso dwlad dhexe”

Faroole wuxuu sidoo kale warqaddiisa ku yiri “Dowlad goboleedka Puntland waxay aad uga xuntahay isla markaana ka welwelsan tahay inuusan dastuurkaasi ahayn mid dalka Soomaaliya dastuur u noqon kara, innagoo weliba fahamsan inuu aad u yaryahay waqtiga arrintaasi looga doodi karo ee wax looga bedeli karo”.

HALKAAN HOOSE KA AQRI WARQADDA

SomaliSwiss Boosaaso
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: