Machadka Turkiga Ee Beder Oo Ballaaraaniya Adeeygada Waxbarasho ee Soomaaliya

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Mas’uuliyiinta Machadka waxbarashada caalamiga ah ee Beder ayaa faahfaahin Ka bixiyay adeegyada waxbarasho oo ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed ee wax ka Barata machadkaasi oo ku yaala Muqdisho.

Machadka caalamiga ah ee Beder oo ay dowladda Turkigu ka hirgelisay Muqdisho Ayaa ka mid ah macaahidda ay sida aadka ah u sarreeyso adeegyada waxbarasho Oo ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed kaas oo leh Jiif,  dawo,  raashin iyo daryeel Aad u wanaagsan.

Maamulaha Machadkaasi Bulent Ergunes oo u waramay warbaahinta qaranka Ayaa sheegay in 2000 oo xarumood oo machadkan Beder ah ay ka furanyihiin in ka badan 160 wadan, isagoo intaa ku daray in machadkan Muqdisho ay dhigtaan 120 Arday oo wiilal Soomaali ah.  kuwaas oo qaar ka mid ah ay ka yimaadeen waddamada dibadda iyadoo  ardaygiiba laga qaado 100$.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa ku daray in machadkan laga bixiyo Afarta Maaddo ee cilmiga ah iyo maaddada Cumputarka ah, wuxuuna xusay in sidoo kale Ardayda la barro  Luqadaha kala ah English, Turkish, Carabi iyo  iyadoo Maaddooyinka taariikhda iyo Juqraafiga lagu dhigo Afka Soomaaliga ah.

Maamulaha ayaa tilmaamay in machadkan ay fureen  23-kii October ee sanadkii 2011 isagoo intaa ku daray in sanadka 2013 uu mahcadku qaadan doono arday gaareeysa 270 arday kuwaas oo wax ku baran doona dugsigii farsamada ee Buulo Tekniko oo haatan Turkigu ka wado howlo dayactir ah.

Dhinaca kale waxa uu tibaaxay in ardaygii ka qalin jebiya machadka Beder uu Jaamacahadaha caalamka uu imtixaan la’aan dhigan karo, maadaama uu machadku yahay caalami.

Agaasimaha Dalladaha waxbarashada iyo dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay Ee wasaaradda waxbarashada Ismaaciil Macalin C/llaahi oo dugsigaasi kormeer ku Tagay dugsigaasi ayaa muujiyay sida uu ula dhacsanyahay waxbarashada ka Socota dugsigaasi isagoo carrabka ku adkeeyay in wasaaradda waxbarashada ay mas’uul ka tahay waxbarashada dalka isla markaana ay iska kaashadeen Maamulka iyo wasaaraddu manhajka waxbarasho ee ka baxa dugsigaasi.

Dowladda Turkiga ayaa dalkeenna ka hirgelisay dugsiyo waxbarasho oo Kaladuwan iyadoo kumanaan arday ahna u qaadday dalkooda kuwaas oo wax ka Barta jamacadaha kala duwan ee dalkaasi.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: