Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Pakistan oo Ka qeyb galay bandhiga Hidaha Iyo Dhaqanka

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Bandhig lagu soo bandhigayay hidaha iyo dhaqanka ayna ka qeyb Galeen wadamo badan oo ay ka mid tahay Soomaaliya ayaa lagu qabtay Wadanka Pakistan.

Bandhiga oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ka qeyb galeen wadamada  Soomaaliya, Turkiga, Falastiin, Yeman iyo Joordan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Jaamacada Lahoor Universt Ee ku taal magaalada lahoor ee wadanka Pakistaan.

Intii ay socotay xaflada lagu soo bandhigayay hidaha iyo dhaqanka ayaa Waxaa wadamadii ka qeyb galay bandhigaasi ay ku soo bandhigeen Wadan waliba waxa uu caanka ku yahay iyadoona Soomaalidii ka qeyb Gashay ay soo bandhigeen cuntooyin kala duwan iyo dhaantada ay Caanka ku yihiin Soomaalida.

Dhamaan dadkii ka qeyb galay munaasabada ayaa waxaa indhahooda Soo jiitay waxyaabihii ay soo bandhigeen jaaliyadda Soomaaliyeed Kuwaas oo iskugu jiray cunata iyo waliba Agabka kale.

Gabgabadii xaflada ayaa waxaa ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarata Jaamacad Lahoor ee wadanka Pakistan waxa ay gudoonsiiyeen Jaaliyadda Turkiga ee wadankaasi agabka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliya.

SomaliSwiss Lahore

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: