Advertisements

Salaadiinta Somaliland oo iska fogeysay Liiska magacyadooda lagu daray ee Shirka Odayaasha ka socda magaalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Xubno ka tirsan Madaxda dhaqanka Beelaha Somaliland oo ku sugan magaalada Hargeysa, isla markaana magacyadooda lagu daray Liiska Madaxda dhaqanka Soomaaliyeed ee loo qorsheeyey in ay soo xulaan Ergada ansixin doonta Dastuurka qabyo-qoraalka ah ee Soomaaliya oo Sabtidii ka furmay magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay magacyadooda liiskaa lagu soo saaray oo ay ku sheegeen kuwo laga been-abuuray. HALKAN KA AKHRI LIISKA MAGACYADA LAGU SOO QORAY

Magacyada lagu xusay Liiskan ay soo saartay xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa ah mid magacyadii lagu soo qoray 100-kiiba  80% in aanay imaan shirkan kasoconaya magaalada Muqdisho.

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa iska fogeeyay liiska magacyo ay soo saartay xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, kaas oo lagu sheegay in madax dhaqameed uu isaga ku jiraa ay ka qayb galayaan shirka Salaadiinta ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxaa uu sidoo kale xusay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn isla markaana aanay marnaba ka suurtoobin in uu isaga shaqsi ahaan ka qayb galo shirkaasi.

Dhinaca kale Chief Caaqil Cali Xirsi Axmed iyo Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdillaahi oo ka tirsan Madax-dhaqmeedka Somaliland qaarkood oo lagu soo daray liiska Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee loo qorsheeyey in ay soo xulaan Ergooyinka ansixinaya dastuurka cusub ee Soomaaliya, oo maanta shir jaraa’id oo kala gooniya ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaa uu ku sheegay in magacyadooda laga been-abuuray oo aanay waxba ka jirin arrintaas Dastuurka Soomaaliya, isla markaana ay layaaban yihiin magacyadooda sababta liiskan loogu soo qoray iyo cidda ku qortayba oo ay xuseen in aanay waxba kala socon. Liiskan oo ay Warbaahinta Soomaaliya iyo Somaliland-ba ku faafiyeen shalay iyo maanta baraha Internet-yada.

Horta anigu ma Ahi Ragga sheegta magac aanu lahayn oo Suldaan ma ahi ee waxaan ahay Chief Caqil, dadkuna way iyaqaannaan, caanna waan ahay. Arrinta ka dhacaysa Xamar waxaan u haystaa in ay tahay dad ay baahi shaqsi ahi geysay, sidaan ku ogahay qaar ka mida oo waxaa geysay baahi nafteed oo ay kula carareen Muqdisho, iyada oo lagu yidhi waxbaa laga helayaa.” waa sida uu yidhi Chief Caaqil Cali Xirsi Axmed.

Waxaanu intaa ku dari; “Ninka aniga wakiilka la iiga dhigay ee la yidhi wakiil ayuu u yahay, reerka aan Caaqilka u ahay Magaciisa oo saddexani kuma jiro, mid dhintayna kuma jiro, mid noolna kuma jiro marka hore-ba. Warqadan aynu immika aragnay ayuun baa iga hortimid ee waa la I yaqaannaa inaanan ahayn Nin dhac-dhaca oo ku dhac-dhaca dhulka qaarkii, reer Xamarkuna way I yaqaannaan halkanna way I taqaannaan. sidaa tarteed, waxba kalama socdo oo waa arrinta caynkaas ah. Ninkuna maaha magaciisu, magac reerka aan caaqilka u ahay oo reerku wuu ii diiwaangeshan yahay oo ninka magacaas leh kuma jiro reerka waxa la yidhaahdaa Maxamuud Faarax Maxamuud Maxamed.”

“Ninkaas wakhtiga la helo waxa lagu qadayaa sharciga oo Saladiinta Somaliland waatii sharciga ka soo saartay oo ninka tagaa waa danbiile oo waxa uu noogu qoran yahay buuga danbiyada.

Cali Xirsi Axmed ayaan ahay oo waxaan ahay Chief Caaqil, arrintaas magacayga lagu daray Liiska Odayaasha dhaqanka ee Ergada Dastuurka soo xulaysa waxba kama jiraan, waxna kama ogi.” ayuu yidhi Chief Caaqil Cali Xirsi.

Geesta kale, Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdillaahi oo ka mid ah Salaaddiinta beelaha Somaliland, oo isaguna ka mid ahaa Madaxda dhaqanka Somaliland ee magacyadooda lagu soo daray Liiska Odayaasha dhaqanka Soomaalida ee soo xuli doona ergada ansixinaysa Dastuurka cusub ee Soomaaliya yeelanayso, ayaa sheegay inaanu jirin wax shir ah oo Soomaaliya ah oo uu tagayo ama lagu casuumay.

Suldaan Xuseen X. Cabdi Cabdillaahi, waxa uu cadeeyay in aanu waxba ka ogayn Liiska magiciisa lagu soo daray ee Salaaddiin badan oo Soomaaliya iyo Somaliland-ba isugu jira magacyadooda lagu soo daabacay, isla markaana loo qorsheeyey in ay kamid noqdaan Odayaasha dhaqanka Soomaalida ee soo xulaya Ergada dastuurka meel-marin doonta.

“Saaka markii aan kacay ayaa la ila soo hadlay oo la ii sheegay in magacaygu ku jiro liiska Salaaddiin tagaya Muqdisho oo dawladda Soomaaliya casuuntay. Waxaan caddaynayaa inaanu jirin baahina aanan u qabin inaan tago shirarka dalka Soomaaliya. Ma jiro shir la igu casuumay ama aan aniguba tagayaa oo Soomaaliya ah, mana jirto wax iga khuseeya arrimaha dalkaasi..” sidaa ayuu yidhi Suldaan Xuseen X. Cabdi Cabdillaahi.

SomaliSwiss Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: