Advertisements

Ra’isal wasaare C/weli Gaas oo Maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qaabilay safiirka Faransiiska ee Somalia iyo Kenya.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Ra’isal wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka dowladda Faransiiska u fadhiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Adan Abdulle International Airport ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Ra’isal wasaaraha iyo Danjire Etienne de PONCINS ay kawada hadleen xaaladda dalka iminka halka ay mareyso iyo sida ay dowladda Faransiisku uga qeyb qaadan karto horumarka dalka Soomaaliya.

Ra’isal wasaaraha oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib lahadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in booqashada uu maanta ku yimid magaalada Muqdisho Safiirka dowladda Faransiiska u fadhiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay tahay booqasho uu ugu kuurgalayo xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka iyo sida ay uga qeybqaadan lahaayeen hanaanka socda ee looga gudbayo KMG.

Danjire Etienne de PONCINS oo isna dhankiisa la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in uu xilagan aad ugu faraxsan yahay safarka uu ku yimid magaalada Muqdisho, ayna tahay booqashadiisii ugu horeysay, balse uu indhihiisa ku arkay wax lagu farxo, waxaana uu dowladda Soomaaliya ku guubaabiyey in ay sii wadaan dadaallada la xiriira soo celinta Nabadda, Horumarinta iyo dib u dhiska dalka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: