Advertisements

Dowlada Japan oo Maanta ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku wareejisay deeq isugu jirta Gawaari iyo Qalab kale oo badan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Dowlada Japan ayaa maanta ku wareejisay Dowlada KMG Soomaaliya deeq ay ugu tala gashay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, deeqdan ayaa ka koobanayd 16 Land-Garuuser, 2 Ambalaas, 2 gaari oo kuwa ciidanka lagu qaado ah iyo Dharka ciidanka, Jaakadaha laga xirto xabadda ( Bullet Proof Jackets ) iyo koofiyadaha aan xabadu karin.

Ugu horayntii waxa kahadlay xafladii lagu wareejinayey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaalyeed Gen. Shariif Shiikhuna isagoona uga mahad celiye deeqdaan balaaran dowlada Japan, waxaana uu u xusay inaysan ahayn deeqdaan tii ugu horaysay oo ay kahelaan dowlada Japan oo ay sidoo kale qayb libaax kaqaataan mushaaraadka ciidanka iyo qalabayntoodaba isla markaana ay rajaynayaan in deeqdaana aysan noqon doonin tii ugu danbaysay, Gen. Sheekuna waxaa uu sheegay in qalabkaan lagu wareejiyey uu waxbadn kabadali doono tayeenta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed siina laba jibaarayaan dadaalkooda ku aadan soo celinta nabada iyo kala danbaynta.

Waxaana isna xaflada kahadlay Safiirka Japan ufadhiya dalka Kenya Amb. Shahisa Takeda isagoo sheegay inay tahay markii ugu horaysay oo uu yimaado magaalada Muqdisho aadna ugu faraxsanyahay so dhaweynta loo sameeyey, waxaa kale oo uu sheegay in Shacabka Japaan deeqdaan ay katimid uguna tala galeen inay ku caawiyaan walalahooda Soomaaliyeed siina wadi doonaan qalabaynta iyo dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliya dhawaana ay soo gaarsiin doonaan qalab kala duwan.

Sidoo kale waxaa khudbad kajeediyey wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane. Cabdi Samad Macalin Maxamuud isagoo dhankiisa sheegay in deeqdaan katimid shacabka iyo dowlada Japan ay sare u qaadi doonto awooda ciidanka Booliska una sahlayso in Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed wax weyn kusoo kordhiyaan sugida nabadgalayada.

Ugu danbayntii waxaa goobta ka kahadlay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas waxaana uu mahadcelin baalaran u jeediyey Dowladda iyo Shacabka Japan waxaana uu sheegay Ra’iisul Wasaare Gaas in Dowlada Jaban ay mudo badan lagarab taagnaayeen taageero nooc kastaba leh, kana mid yihiin wadamadda ka caawiya dalka Soomaaliya taba barida iyo qalabaynta Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Waaxaa kale oo Ra’isal wasaare Gaas kulan laqaatay safiirka Faransiiska u fadhiya dalka Kenya Amb. Etiennia de Poncins waxaana Ra’iisul wasaaruhu uu hambalayo udiray shacaka dalka Faransiiska doorshadii ay doorteen Madaxweynahooda cusub Francios Hollande sidoo kale waxay kawada hadleen xariirka soo jireenka ah oo u dhexeeya labada wadan.

——DHAMAAD—–

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: