Advertisements

Doon waday Tahriibayaal Qaxooti Soomaali ah oo gaartay waddanka Malta.

Halkaan ka akhri

In ka badan 90 qof oo tahriibayaal Afrikaan ah oo Soomaali u badan tahay ayaa maanta gaaray Jasiiradda Malta, waxaana la sheegay inay jiraan tahriibayaal ku naf waayay badda intii ay ku jireen safarkooda.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Ciidamada illaalada xeebaha jaziiradda Malta ay sheegeen in tahriibayaashan ay gaaraya 88 qof ay doonyo ka raaceen xeebaha wadanka Libya.

 Sidoo kale waxaa la sheegay in dooni kale oo ay dad badan la socdeen ku dagtay biyaha u dhaxeeya Libya iyo Talyaaniga.

Madax Sare oo ka tirsan dawlada dalka Malta ayaa sheegay in 4 ruux oo ay ku jirto haweeney Soomaali ah oo xaamilo ah ay xaaladoodu aad u liidato kuwaasoo hadda la dhigay isbitaal si loo baxnaaniyo

Dhanka kale qaar ka mid ah Tahriibayaasha oo maanta gaaray Malta ayaa u sheegay warbaahinta in ku dhawaad 10qof oo doonida la socday ay badda ku dhinteen waxaana la xaqiijiyay in dadka doonida saarnaa ay iskugu jiraan dad u dhashay wadamada Soomaaliya iyo Chad inkastoo ay jiraan warar sheegaya inay Soomaali u badan yihiin.

Si kasta ha ahaatee Tahriibayaal badan oo Soomaali ah ayaa ku naf waayay badda u dhaxeysa Libya iyo Talyaaniga kadib markii ay ciladoobeen doonyihii ay la socdeen.

SomaliSwiss    Malta

SomaliSwiss@hotmail,com

Advertisements
%d bloggers like this: