Advertisements

Al-Shabaab oo meydad fara badan uga tegay magaalada Beledweyne oo ay xalay weerar qaadmo ah ku qaadeen.

Halkaan ka akhri

Xarakada Al-Shabaab ayaa Jab xoogani ka soo gaarey weerar gaadmo ahaa oo ay xalay ku qaadeen  fariisimo ay ciidamada Soomaaliya ku lahaayeen duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo ay fool ka fool u dagaalameen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Maleeshiyaadkii Al-Shabaab.

Weerarka Al-Shabaab xalay qaadeen oo dhacay abaarihii 11:00 habeenimo ee waqtiga bariga Afrika ayaa socday qadar saacado ah kaas oo sababay in Xarakada Al-Shabaab halkaas uga tageen 9 Askari meydkooda, kuwaas oo dadka deegaanku sheegeen in ay ka mid yihiin 3 sarkaal oo sare, halka 3 askari oo ka tirsan dowladda KMG ah iyagana uu dhaawac soo gaaray, sida ay sheegayaan warar kala duwan oo deegaanka laga helayo.

Wararka aan ka helnay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalka xalay halkaas ka dhacay uu ahaa mid shaqnqarta hubka kala duwan iyo rasaasta laga maqlayey magaalada Beledweyne oo dhan.

Illaa hadda ma cadda khasaaraha saxda ah ee kadhashay dagaalka xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, inkastoo ururka Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalka ay sheegteen in ay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah gaarsiiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, dhowtr boqol oo Ciidamo Jabuutiyaan ah oo dhowaan gaaray Beledweyne, isla markaana xalay ku sugnaa talis weyn oo ay ku leeyihiin duleedka magaalada ayuusan saamayn ku yeelan dagaalkaasi.

Somaliswiss Beledweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: