Advertisements

Madaxweyne Sheikh Shariif oo kormeeray xarunta gaadiidka Booliska ee loo diyaariyay in ay ku shiraan ergada ansixin doonta Dastuurka cusub.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa kormeer howleed ku tegay xarunta Gaadiidka Booliiska halkaasi oo lagusoo gebagebeeyey howlo isugu jira dib u dhis iyo dib u qalabeyn.

Mas’uul u hadlay hay’adda horumarinta TIKA ee dalka Turkiga ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey howlihii ay Walaalaha Turkigu ka wadeen xarunta Gaadiidka Booliska in ay kusoo idlaadeen guul, waxaana uu u mahad celiyey Injineerrada iyo dhamaanba howlwadeenadii Soomaalida ahaa ee howshaasi gacanta aan hagarta laheyn ka geystay.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale tilmaamay in xarunta Gaadiidka Booliska oo hada dhismaheedu soo idlaaday loo diyaariyey in ay ku shiraan ergada ansixin doonta Dastuurka Cusub oo uu dalku yeelanayo.

Magaalada Muqdisho ayaa hada waxaa ku sugan Waxgarad, odayaal, salaadiin, isimmo iyo aqoonyahanno ka kala yimid gobollada Dalka iyo Dibaddaba, iyadoo sidoo kalena ay magaalada weli kusoo qul qulayaan ergooyin kale, kuwaasi oo diyaar u ah in ay ka qeybqaataan shirarka dhowaan ka bilaabanaya Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed  Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si cad u sheegay inaysan aqbali karin diidmo laga muujiyo ansixinta dastuurka cusub,balse waxaa u dadka ugu baaqay inay tilmaamaan ama ay badelaan qoddobada ay diidan yihiin.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: