Madaxweynaha Soomaaliya oo warqada aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee dowladda Iran.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Madaxwynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta warqabadda aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee ay dowladda Iran u soo magcowday Soomaaliya, safiirka oo markaasi uga mahad celiyay madaxweynaha in dowladda Iran ay ku soo biirto dowladaha safaaraddaha ku leh Soomaaliya.

Madaxweynaha Shariif Sh. Axmed ayaa ka hor inta uusan safiirka Iran ka guddoomin warqaddihiisa aqoonsiga waxaa uu la qaatay kulan gaar ah, kaas oo ay uga wada hadleen xiriirka ka dhaxeeya dowladaha walaallaha ah ee Soomaaliya iyo Iran iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Safiirka cusub ee dowladda Iran ayaa sidoo kale Madaxweyne Shariif waxaa uu gudoonsiiyay hadiyadooyin ay dowladda Iran usoo dhiibtay, isla markaana halkaasi ugu gudoomay.

Intaasi kaddib Madaxweyne Shariif ayaa si rasmi ah uga guddoomay Makel Hussein Givzad safiirka cusub ee dowladda Iran u qaabilsan Soomaaliya.

Dhinaca kale Makel Hussein Givzad oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay, sida wanaagsan ee uu madaxweynaha Soomaaliya ugu soo dhaweeyay dalkiisa  iyo sida uu uga ogalaaday aqoonsiga safiirnimo, isagoo xusay in magaalada Muqdisho uu yimid sanadkii hore, hasa yeeshee magaalada uu ka jiro isbaddal xoogan oo ay muujisay dowladda.

Sidoo kale safiirka Iran ayaa madaxweyne Shariif ku amaanay isbaddelka Horumarka leh ee ay dowladiisa ka sameeyay dalka, gaar ahaan caasimadda, isagoo hadal kiisa ku soo gabagabeeyay in sanadka soo socda Soomaaliya uu u rajeynayo Horumar ka wanaangsan midka hadda ka muuqanaya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: