Advertisements

Kooxda Ahlu Sunna oo weli ku adkeysanaysa in ninkii Dhuusmareeb isku qarxiyay uu ka soo jeedo degaanka Ceel-Garas.

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha  fulinta ee Ahlu Sunnada gobollada dhexe Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefow  ayaa ku sheegay markale in qofka is qarxiyey uu yahay ina Cartan, isla markaana la dhashay Maxamuud Cartan Cadaawe Culusow oo ah ninkii shalay ka hadlay Xamar ee sheegay in magaciisa lagu been abuurtay.

Sheikh Xeefow waxaa uu ku sheegay in la isku qaldi karo magacyada dadka wada dhashay, balse ay sax tahay sadexda magac ee kale oo ay wadaagaan Maxamuud, waxaana uu hadalkan uga jawaabayey odayaal kasoo jeeda deegaanka Ceel-Garas oo si adag uga hadlay magaca nin jooga Xamar in lagu sheego in uu isku qarxiyey Dhuusamareeb.

Waxaa uu yiri Sheikh Xeefow “Shaki inoogama jiro ninka is qarxiyey inuu yahay ina Cartan, magaca hore haddii uusan aheyn Maxamuud waa la qaldi karaa, waxaana hadda inoo socda baaritaan, waxaase idiin cadeynayaa in sadexda magac ee dambe in ay saxan yihiin oo ay waliba wada dhasheen Maxamuudka ka hadlay Xamar ” waa sida uu hadalka u dhigay.

Maxamuud Cartan oo horey loogu eedeeyey in uu ahaa isqarxiyihii Dhuusamareeb ayaa showaan la hadlay warbaahinta Muqdisho isagoona cadeeyey inuu nool yahay, islmarkaana lagu been abuurtay, weligiisna uusan tagin gobolka Galgaduud oo xitaa uusan dhaafin magaalada Balcad oo 30 KM dhinaca gobollada dhexe ka xigta Muqdisho.

HALKAN KA DHAGEYSO HADALKA MAXAMUUD: https://somaliswiss.files.wordpress.com/2012/05/maxamuud-cartan-cadaawe-culusow-oo-hadlay.mp3%20

Qaraxan Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Dhuusamareeb ayaa dilay dad kor u dhaafaya 7 qof oo isugu jiray xildhibaano, Askar, Shacab iyo Sarkaal Ethiobian ah, isla markaana ay dhaawacyadiisa la ildaran yihiin xildhibaano iyo siyaasiyiin ayaa waxaa sameeyey qof naftii hure ah, kaasi oo ilaa iyo hadda lagu muransan yahay magaciisa saxda ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxan  in ay iyaga geysteen, balse waxaa aysan sheegin magaca saxda ah ee qofka is qarxiyey, iyagoo markii hore sheegi jiray qofkasta oo u fuliya qaraxyada noocan oo kale ah. Tani waxaa ay keentay inuu yimaado buuq badan oo xitaa loo dilay 3 qof oo loo qabtay qaraxaasi.

SomaliSwiss Galgaduud

SomaliSwiss@hotmail.com

Ninkii ay kooxda Ahlu Sunna ku sheegtay in uu ahaa qofkii isku qarxiyay Dhuusamareeb oo hadlay, isla-markaana beeniyey arrintaasi. May 3, 2012

 

 

Advertisements
%d bloggers like this: