Advertisements

Ciidammadii ugu horreeyay ee Amisom, gaar ahaan kuwa dowladda Jabuuti oo gaaray gobolka Hiiraan.

Halkaan ka akhri

Ciidammada ugu horreeyay ee dalka Jabuuti, kana tirsan ciidammada AMISOM ayaa xalay gaaray deegaanka Kalabeyrka ee gobolka Hiirran, halkaasi oo ay si ku meel gaar ah farriisin uga sameysteen.

Sidoo kale Ciidammadan ayaa waxaa xalay deegaanka Kalabeyrka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, waxaana ciidammadaasi wehliyay saraakiil ka tirsan ciidammada Faransiiska.

Waa Cutubka Koowaad ee ciidammada AMISOM ee gaaray deegaanka Kalabeeyrka ayaa la filayaa in saacaddaha soo aadan ay gaarraan xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne, si halkaasi looga sii wado howlgallada ka dhanka ah Al-Qaacidda.

Dhinaca kale shacabka magaalada Baladweyne ayaa si diirran u soo dhaweeyay ciidammada ka socda dowladda aynu walaallaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, iyagoo sheegay in ay kala shaqeyn doonaan waxyaabaha ay u baahan yihiin, si ay uga qeyb qaataan bur burrinta cadowga Al-Qaacidda.

SomaliSwiss      Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: