Advertisements

Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo bishaan dhexdeeda lagu qaban doono Dalka Sweden.

undefinedHalkaan ka akhri

Shirweyne  ay isugu imaan doonaan sida lagu wado Soomaali kala duwan oo ka imaanaysa qurbaha ayaa lagu wadaa inuu bishaan 12-keeda ka furmo wadanka Sweden.

Shirkaan oo loogu magac daray golaha midnimada Qaranka Somaliyeed ayaa la sheegay in ay ka soo qeyb galayaan ergooyin kala duwan oo ka kala imaanaya  sida la sheegay 5-ta qaarad ee aduunka ayaa isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahanno, culimaa’udiin iyo qeybaha kale ee bulshada.

Shirkaan ayay gogoshiisa dhigeen xubno si aada  ugu lug leh siyaasada guud ee Soomaaliya, iyagoo  sheegay in ajandaha shirka uu ku sabsanaan doono in xal deg deg ah loo helo arimaha Soomaaliya taasi oo ay ugu horeyso midnimada dalka Soomaaliya.

Gudiga qaban qaabada  ayaa sidoo kale sheegay in shirka lagu geli doono casuumaad si loo ilaaliyo nidaamka mudada labada maalmood ah ee uu soconayo shirkaasi.

Sidoo kale  magaalada Stockholm ee casiamda sweden ayaa baryahn waxa laga daremaya in uujiro udiyar garoow ku aaday arinkasi ,

Sikastaba ha ahatee shirweynahaan ayaa waxa uu ka dhic doonaa  xurunta Kista Senis Tawer oo ah xarun weyn oo lagu qabto shirarka heerka calamiga ah.

SomaliSwiss Stockholm

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: