Osama Bin Laden oo ku canaantay Ururkiisa Al-Qaacida dilalka xaqdarada ah ee dadka Muslimiinta ah.

Halkaan ka akhri

Qoraalo la shaaciyay warbaahinta oo lagu sheegay in laga helay sanad ka hor gurigii lagu dilay hogaamiyihii Al-Qaacida Osama Bin Laden ayaa laga soo xigtay in ay ku qornayd in Bin Laden uu si aad ah uga xumaaday xili dambe leynta iyo dilka uu ururkiisa u geysanayo dadka Muslimiinta ah, taasoo uu ku sheegay in ay hoos u dhigtay sumcaddii ururkiisa, ayna u horseedi doonto Al-Qaacida guul-daro kama dambeys ah.

Bin Laden ayaa yiri “si kastoo aan u guulaysano marka hore waxa noo dambeysa guul-daro haddii aan Muslimiinta leyno” ayuu ku yiri qoraal uu u diray xubnaha ururkiisa.

Qaar ka tirsan talaliyayaashiisa ayaa kula taliyay Osama Bin Laden in uu iska fogeeyay Al-Qaacidada Ciraaq ee uu hormuudka u ahaan jiray Abu Muscab Al-Zarqaawi oo ay ku sheegeen in ay si xad-dhaaf ah u laayeen Muslimiinta Ciraaq.

Sidoo kale waxaa uu Osama Bin Laden uu dhaliil u jeediyay hogaamiyaha Talibanka ee Baakistaan Xakimullah Maxsud oo uu kula taliyay inay joojiyaan weerarada ay u geysanayaan masaajidda iyo suuqyada waaweyn.

Khilaafka urur weynaha Al-Qaacida ayaa ka muuqda qoraaladan oo gaaray heer qaar ka tirsan madaxda Al-Qaacida ay talo kusoo jeediyaan in la badalo magaca Al-Qaacida oo ay ku sheegeen inuu yahay magac ka dhintay Muslimiinta aduunka dhexdooda.

Magacyada ay soo jeediyeen ragaas in lagu badalo Al-Qaacida ayaa waxa kamid ahaa, Kooxda Midnimada Muslimiinta iyo Xisbiga Mideynta Qaranka Muslimiinta.

“Waxaan qorsheynayaa in aan soo saaro hadal aan ku sheegi doono in la qaato waji cusub, lana badalo amaradii aan horay usoo saarnay, si aan u helno kalsoonida dadweyne badan oo ka aamin baxay Mujaahidiinta” ayuu yiri Osama Bin Laden.

Sharciga Al-Qaacida wuxuu qorayaa qaacido ah “Idaaratu A-Tawaxush” oo la macno ah “Maamulka Wuxuushta” sharcigaasi wuxu qorayaa in dadka wuxuush laga dhigo oo kala bar la dilo, kala barka soo harana la maamulo iyagoo hogaansan.

Waxaa kaloo uu sharcigaasi qabaa inaan dowlad Islaam ah iyo dowlad Cilmaani ah midna la dhisin ilaa dowladda Maraykanku ay ka burburto aduunka, inta waqtigaas la gaarayana meel walba hala dumiyo, dabna halagu shido, gaal iyo Muslimba hala dilo. Muslimiinta dhimata Janey galayaan oo qalbigooday lasoo baxayaan qiyaamo.Maamulka la isticmaalayana waa inuu noqdaa Wilaayooyin, amiirka maamulaya wilaayaadkasna uu qarsoonaadaa inta dowladda Maraykanku ay ka burburayso. Waa sharciyadaas kuwa uu Usama Bin Ladin laayahay waa inaan wax ka badalnaa.

Qoraaladan la helay oo la qoray intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2011 ayaa u muuqda kuwo doodi ay ka dhex taagneyd ilaa iyo markaas oo aan lagu shaacin xubnaha Al-Qaacida dhexdooda.

Qoraalada waxaa ku jiro kuwo sheegaya in waqti loo qabto ururada Bakistaan iyo Ciraaq inay joojiyaan leynta dadka haddii kale ay Al-Qaacida si muuqata u radin doonto ururada wadamadaas, taasoo cadeynaysa inaan wali si muuqata loogu soo bandhigin amaradaan ee ay ahaayeen kuwo madaxdu ay isku gudbiyeen kana doodayeen.

Hadaba ururkeena Al-Shabaab oo ku dhaqma qoraaladii hore ee Al-Qaacida sida “Idaaratu A-Tawaxush” ayaa u muuqdo kuwo aysan soo gaarin wali amaradaas, inkastoo Al-Shabaab ay si buuxda ugu biireen Al-Qaacida kadib geeridii Osama Bin Laden, waxaana dhici karta in hogaamiyaha hada Ayman Al-Zawaahiri uu ku qilaafsanaa Osama Bin Laden fikirkiisa ah in la joojiyo leynta dadka Muslimiinta ah.

Aragtida diidan dilka Muslimiinta ayaa ka dhex jira Al-Shabaab inkastoo ragga diidan dhaqankaas ay u muuqdaan kuwo laga awood badan yahay, oo aan si buuxda talaabo lafahooda ugu qaadan karin.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: