Advertisements

Ninkii ay kooxda Ahlu Sunna ku sheegtay in uu ahaa qofkii isku qarxiyay Dhuusamareeb oo hadlay, isla-markaana beeniyey arrintaasi.

HOOS KA DHAGEYSO HADALKA

Halkaan ka akhri

Saacado kadib markii uu dhacay qaraxa ay ku dhinteen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo baryihii danbe socdaal ku joogay Gobollada dhexe ayaa waxaa warbaahinta soo gaaray hadal kasoo baxay Guddoomiyaha Fullinta Ahlusuna Shiikh Maxamed Xeefow kaasi oo sheegay inuu magaca qofka is qarxiyey iyo meesha laga soo diray,iyaddoo taasi oo si weyn u beeniyey qofka leh magaca la eedeeyey laguna sheegay inuu isku miidaamiyey dhusamareeb.

Maxamuud Cartan Cadaawe Culusow oo ahaa ninka magaciisa warbaahinta loo soo gudbiyey ee  lagu sheegay inuu qaraxaasi fuliyey isagana ku dhintay ayaa si adeg uga hadlay arrintaasi kuna tilmaamay been aan geed loogu soo gamban oo ay ku sameeyeen madaxda Ahlusuna Waljameeca ee Gobollada Dhexe.

Ninkan oo la hadlay warbaahinta Radio Dalsan ee ka fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa sheegay inuu yahay magaciisa sida lagu sheegay islamarkaana u kasoo jeedo deegaanka qabiil ahaan loogu tilmaamay,waxaase uu cadeeyey inuusan howshaasi sameyn islamarkaana uu nool yahay.

DHAGEYSO HADALKA MAXAMUUD: https://somaliswiss.files.wordpress.com/2012/05/maxamuud-cartan-cadaawe-culusow-oo-hadlay.mp3%20

“Magaceyga sida lagu sheegay waa yahay oo waxaan ahay Maxamuud Cartan Cadaawe Culusow, waxaana hadda joogaa Muqdisho, dadka warka beenta iga sheegay waxaan leeyahay warkooda sax ma ahan,waxaana rajeynayaa in aan ilaa heer maxkamadeed la fuulo madaxda Ahlusuna ee beentaasi xoogan iga sameeyey”  ayuu yiri Maxamuud Cartan.

Ninkan ayaa ku tilmaamay sababta magaciisa loo abaaray inay tahay qabiilka uu kasoo jeediyo iyo deegaanka uu ku abtirsado oo ah Ceel-Garas,Laakiin waxaa uu sheegay in arrintaasi darteed aan isaga loogu saarin karin danbi uusan qaadi karin islamarkaana uusan sameyn.

“Ninka is qarxiyey waxaa lagu sheegay magaceyga iyo qabiilkeyga inuu watay, haddaba ninka qaraxa sameeyey waaba dhintaye, Aniga idin la hadlaya kumaan ahay, Ma maqasheen qof isqarxiyey oo haddana nool. Waxay ila tahay arrintan waa mid iska cad oo been ah oo waliba qabiil salka ku heysa” ayuu yiri Maxamuud Cartan.

Hadalkan ayaa waxaa uu gebi ahaanba beeninayaa hadalkii dhawaan kasoo yeeray Sheikh Maxamed Xeefow oo  ah guddoomiyaha Fulinta Ahlu Sunna kaasi oo waxyar kadib qarixii Dhuusamareeb sheegay in Maxamuud Cartan oo laga soo diray Ceelasha Biyaha, isla markaana kasoo jeeda deegaanak Ceel-Garas uu yimid Dhuusamareeb kadibna uu sameeyey qaraxa ay ku dhintay dad badan oo ay ku  jiraan xildhibaano iyo qaar kaloo ku dhaawacmay.

Muuqaalka ninkan ayaa waxaa lagu wadaa in maanta uu horyimaado warbaahinta Muqdisho si uu dadka ugu hor cadeeyo in uusan aheyn qofka lagu eedeeyey qaraxa islamarkaana wajigiisa u tuso bulshada Somaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay oo shaqsi lagu eedeeyey in uu is qarxiyey hadlo kadibna sheegay in uusan  qaraxaasi geysan, waxaana  tani kusoo beegantay kadib markii xalay fiidkii magaalada Dhuusamareeb lagu dilay laba qof oo lagu sheegay in ay wax ka ogaayeen qaraxaasi.

DHAGEYSO HADALKA MAXAMUUD: https://somaliswiss.files.wordpress.com/2012/05/maxamuud-cartan-cadaawe-culusow-oo-hadlay.mp3%20

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: