Advertisements

Hay’adda Amnesty oo sheegtay in dalka Soomaaliya si daran loogu dhibaateeyo suxufiyiinta.

undefinedHalkaan ka akhri

Warbixin ay ku soo beegtay Hay’adda u doodad xuquuqda aadanaha ee Amnesty International maalinta saxaafadda aduunka oo maanta ku beegan, ayey sheegtay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka sida weyn loogu dhibaateeyo suxufiyiinta.

Amnesty International ayaa warbixinta ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya ay isaga soo carrareen suxufiyiin far badan, kaddib markii ay u dul qaadan waayeen dhibaatooyinka ka jira dalka, halka kuwa kale loo xiray gudashada shaqadooda xagga wararka ee ay u soo tabinayeen bulshada Soomaaliyeed iyo caalamka.

Hey’adda ayaa sheegtay in tan iyo sannadii 2007-da dalka Soomaaliya lagu dilay ugu yaraan 27 wariye oo saddex ka mid ah ay sheegtay in weerarro qorsheysan lagu dilay lixdii bilood ee ugu dambeysay.

Waxa kaloo ay sheegtay hey’adda in aysan jirin cid loo raacdo ama lo soo qabtay ugaarsiga suxufiyiinta ka howlgala Soomaaliya oo kii ugu dambeeyay uu xaley ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug,

Warbixinta Amnesty International waxa lagu xusay dilkii dhowaan isla magaalada Gaalkacyo loogu geystay Alle ha u naxariistee wariye Cali Axmed Cabdi oo ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgeli jiray magaaladaas iyo wariye Mahad Salaad Aadan oo isna wakiil wareed Idaacadda Shabelle uga ahaa magaalada Beledweyne, ee xarunta gobalka Hiiran kuwaas oo ay hay’addu tilmaamtay inay dileen kooxo hubeysan oo aan weli caddaalladda la horkeenin.

Si kastaba, Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka sida weyn loogu bartilmaameesto saxaafadda iyo warbaahinta madaxa banaan, waxana jirrin cid arrintaas u istaagtay.

Maanta oo ay ku beegantahay 3-da May oo ah maalinta loo asteeyay warbaahinta adduunka, ayaa si weyn looga xusayaa meelo badan oo caalamka ka mid ah sida dalka Soomaaliya.

Soomaaliya waa dalka labaad ee suxufiyiinta ugu badan lagu dilo Aduunka sida ay sheegtay hey’adda difaaca suxufiyiinta ee CPJ oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Mareykankanka.

SomaliSwiss MoniNews Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: