Advertisements

Denmark iyo Sishalis oo gaarey heshiis ku saabsan, sidii dad Soomaali ah loo maxkameyn lahaa.

undefinedHalkaan ka akhri

Muwadiniin Soomaaliyeed oo loo haysto fal burcad badeednimo ah kuwaas oo hada ay gacanta ku hayaan marakiibta dagaalka dalka Denmark ee qeybta ka ah ciidamada Atlanta ee lasheego in ay la dagaalamaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida loo yaqaano ee  xeebaha dalka Soomaaliya ayay qaabkii loo maxkamadeyn lahaa ka wada hadleen Denmark iyo Siishalis.

Warbixin ka soo baxday wasaarada arimaha dibada dalka Denmark ayaa lagu sheegay in dowlada Dalkaasi ay kala hadashay Sishalis in lagu maxkamadeeyo dalkeeda  4-qof oo lagu sheegay inay yihiin burcad badeeda Soomaaliya oo kamid ah 16-burcad badeeda oo lagu dul hayo markab kuwa dagaalka oo laga leeyahay dalka Jarmalka kuwaas oo hada ku sugan Sishalis.

Wasaarada arimaha dibada ee Denmark ayaa tibaaxday in ay isku afgarteen Sishalis maxkamadaynta 4-tan qof ee Soomaaliyeed iyo sidii loo sii wadi lahaa heshiis hore u dhex maray Denmark iyo Sishalis oo ku saabsanaa Maxkamadeynta dadka loo qabto inay yihiin burcad badeeda Soomaalida.

Dhinaca kale dowlada Denmark ayaa sheegtay in kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay kula dagalamayso badda iyo berriga dalka Somalia si looyareeyo dhibaatada ay ku hayaan amaanka marakiibta mara xeebaha dalka Soomaaliya iyo badweynta Hindiya.

SomaliSwiss Denmark

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: