Advertisements

Xildhibaannadii ku dhaawacmay Qaraxii Dhuusomareeb oo loo qaaday Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

undefinedHalkaan ka akhri

Xidlhibaannadii ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa lagu wadaa in maanta loo qaado dalka Itoobiya si halkaas loogu soo daweeyo.

Dhaawaca siyaasiga Axmed C/salaan Xaaji Aadan ayaa la sheegay inuu yahay mid aad u daran iyadoo la sheegay inuu koomo ku jiro, waxaa sidoo kale ay aad u culus yihiin dhaawacyadooda xildibaan C/risaaq Isaaq Biixi iyo xildhibaan Xuseen Samatar inkastoo ay miyir qabaan.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta degmada Guriceel ee Ahlusunna Waljamaaca oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Diyaaraddii qaadi lahayd xildhibaannada iyo siyaasiga dhaawacmay waxay ku sugan tahay garoonka diyaaradaha ee Guriceel, waxaana lagu soo daweynayaa dalka Itoobiya”.

Sida uu sheegay Goobjooge tagay goobaha Caafimaadka in isbitaalka degmada Guriceel ay yaallaan dhaawacyo aad u fara badan oo isugu jira shacab iyo ciidammo ku suganaa halkii uu qaraxu ka dhacay ee degmada Dhuusomareeb.

Weerarkaas ayaa waxaa  mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab, waxaana ku dhintay in ka badan toddoba qof oo ay ku jiraan labo xidlhibaan, kuwaasoo kala ahaa, Yuusuf Mire Seeraar iyo C/weli Sheekh Maxamed, kuwaasoo lagu wado in isla maanta lagu aaso degmada Dhuusomareeb.

Xidhibaannadii ka badbaaday weerarkaas ayaa waxay sheegeen in qaraxii lagu dili lahaa inuusan hakad ku keeni doonin howsha ay halkaas u joogaan oo ah sidii ay uga shaqeyn lahaayeen dhimasha maamul goboleed ay yeeshaan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkii ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud uu fuliyay dagaalyahan ka tirsan xoogaggooda uuna ahaa mid ay uga hor-tagayeen shirqool ay maleegayeen xildhibaannadii halkaas ku sugnaa.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in weerarkaas uu fuliyay mujaahidin Alle ka iibsaday naftiisa uuna ku dilay xubno ka waday halkaas shirqool ka dhan ah muslimiinta ku nool gobolka Galguduud.

Warar naga soo gaaray saakay ayaa sheegaya in Xalay ay degmada Dhuusomareeb lagu soo rogay bamdow, iyadoo howlgallo kala duwan laga sameeyay degmadaas inkastoo aan la sheegin cid lagu soo qabtay, waxaana mas’uuliyiinta Ahlusunna ay sheegeen inay wadaan baaris ku saabsan halka laga soo abaabulay weerarka.

SomaliSwiss    Dhuusomareeb

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: