Advertisements

Taliyaha Ciidammada Booliska magaalada Baydhabo oo faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ciidammada Booliska ka billaabeen magaaladaasi

undefinedHalkaan ka akhri

Taliyaha Ciidammada Booliska magaalada Baydhabo ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ciidammada Booliska ka billaabeen magaaladaasi, si loo xoojiyo ammaanka magalaada ee xarunta gobolka Baay.

Taliyuhu wuxuu sheegay in ammaanka magaalada Baydhabo hadda uu soo haggaagay, isla markaana ay ka billaabeen Roondooyin ay sameynayaan ciidammada Booliska.

Sidoo kale Taliyaha ayaa wuxuu xusay in Al-Shabaab marar badan isku dayeen weerraro ay ku qal qal gallinayaan shacabka deggan magaaladaasi Baydhabo, isagoo xusay in Shabaab ku fashilmeen dhammaan falalka argagixiso ee ay gobolka Bay ka wadeen.

Dhanka kale Aadan Biid wuxuu tilmaamay in howlgallo ay ciidammada Booliska sameeyeen lagu soo qab qabtay dad lagu tuhunsan yahay in ay ka shaqeynayeen falal amni darro, isla markaana baritaanno lagu wada, haddii lagu waayana la sii deyn doono.

Somaliswiss     Baydhabo

Somaliswiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: