Advertisements

R/wasaare Gaas oo Caawa Fiidkii Xafiiskiisa ku qaabilay haween ka socday bulshada Rayidka ah.

undefinedHalkaan ka akhri

R/wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa Caawa Fiidkiia xafiiskiisa ku qaabilay haween ka socday bulshada Rayidka ah waxayna ka wada hadleen qaabkii loo wajahi lahaa marxaladda kala guurka oo ka mid ah dhismaha Baarlaanka iyo ansixinta Dastuurka dalka iyo weliba Koontada haweenka ee Boqolkiiba soddon (30%).

R/wasaaraha iyo Haweenkaii ka socday Bulashada Rayidka ah ayaa waxay si toos ah uga doodeen arrimaha la xiriira waqtiga kala guurka, waxayna haweenku uga mahadceliyeen wada wada hadalka xukuumadiisa la yeelaneyso iyo talo is weydaarsiga waxayna soo jeediyeen in la badiyo kulamada ceykan oo kale ah si looga faa’iideysto maskaxda haweenka iyo dhamaan qeybaha bulshada rayidka ah.

Sidoo kale wada-hadalka Ra’iisul Wasaaraha iyo haweenka ayaa waxaa diirada lagu saaray qaabka ugu haboon ee looga gudbi karo marxaladda kumeel gaarka ah ee mudada lagu soo jiray, waxayna haweenku cabir wanaagsan ka dhiibteen qaabka looga gudbi karo.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa haweenka u ballan-qaaday in kaalintooda aan dib loo dhigi doonin si gaar ahna wuxuu carabka ku adkeeyey inay heli doonaan Koontada loo balan qaaday ee ah 30%(Boqolkiiba soddon), “Waxaan caawa hortiina ka cadeynayaa in xukuumadeydu aysan marnaba dib u dhigi doonin kaalinta aad ku leedihiin hay’addaha siyaasada iyo kuwa maamulka ee dowladda, gaar ahaana Koontada aad xaqa u leedihiin ee Baarlamaanka” ayuu yiri R/wasaaruhu.

R/wasaare C/wali wuxuu haweenka uga warbixiyay horumarka laga gaaray dhaqangelinta Road-mapka, dhismaha Guddiyada iyo Sugidda Amniga wuxuuna carabka si gaar ah ugu dhuftay Dastuurka dalka oo uu sheegay in uu yahay mid Shareecadda Islaamka ah dalka lagu hogaamin doono islamarkaana aan dalka lagu faafin karin wax ka baxsan Shareecadda Islaamka ah.

Gabagabadii Dr. Cabdiweli wuxuu haweenka u balan qaaday in xafiiskiisu uu u furan yahay xilli kasta uuna sii wadi doono kulamada noocan oo kale ah kuwaasoo talada lagu weydiinayo qeybaha shacabka Soomaaliyeed sida bulshada Rayidka, haweenka, odayaasha dhaqanka, Culimada iyo Aqoonyahanka gudaha iyo dalka dibadda ku noolba.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: