Advertisements

Qaramada Midoobay ,Midowga Afrika Iyo IGAD oo Si Wadajir ah u soo saareen Bayaan loogu digaya Soomaali lagu sheegay qaswalayaal.

undefinedHalkaan ka akhri

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa si wada jir ah u soo saareen Bayaan Digniin ah, waxaa kaloo Bayaankan looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin taabo galinta Roadmap-ka, waxaana digniin loo jeediyay shaqsiyaadka iyo kooxaha qaska ku wado hanaanka nabadda ee Soomaaliya.

Sidoo kale Bayaankan ayaa lagu sheegay in la gaaray marxalad aad u adag oo Soomaaliya loogu raadinayo hanaan nabadeed, maadaama haatan ay socdaan qaban qaabada shirarka dastuurka, ansixinta dastuurka iyo doorashada baarlamaanka cusub. Waxa ay tilmaameen in ay soo ifbaxeen shaqsiyaad iyo kooxo qaswadayaal ah oo ku sugan gudaha iyo dibada Soomaaliya kuwaa oo majo-xaabinayo geedi socodka nabadda ee Roadmap-ka.

Bayaankan ayaa waxaa lagu sheegay in bilihii la soo dhaafay horumar laga gaareen hanaanka nabadda Soomaaliya, haatana waxbadan ay u harsan yihiin, islamarkaan Soomaaliya ay heysato fursad ay uga gudbi karto marxalada KMG-ka, waxaana lagu xusay Bayaanka in Beesha Caalamka aysan ogolaaneyn in dib u dhac uu ku yimaado qorshihii Roadmap-ka.

Dhinaca kale Bayaanka ayaa lagu sheegay in qaraarka tirsigiisu yahay 1844 ee ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay sanadkii 2008 kaas oo xoojinayo bayaan kasii horeeyo oo tirsigiisu yahay 1814 farqadiisa lixaad oo sheegaya in tallaabo laga qaado qofkii caqabad ku noqda hanaanka geedi socodka nabada iyo barnaamijada lagu xasilinayo nabadeynta Soomaaliya.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaay isku afgarteen in cidii ka hortimaada hirgalinta Roadmap-ka loo gudbuin doono golaha wasiirada ee Urur Goboleedka IGAD si loo xanibo dhaq-dhaqaaqooda, islamarkaana loogu soo rogo cunaqabateen cayiman.

Si kasta ha ahaatee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa waxay bayaankoodu ku sheegeen inay ka war-sugiyaan sida uu u dhaqan galo go’aanada ay soo saareen, iyagoo xusay in go’aanadaani ay yihiin digniin iyo fursad kama danbeys ah oo loo soo jeedinaayo kooxaha qaswadayaasha ah ee ka soo horjeedo geedi socodka nabada ee Soomaaliya, waxayna ku booriyeen in kooxahaasui ay si dhaqso ah u joojiyaan tallaabooyinka ay ku majo-xaabinayaan hirghalinta Roadmap-ka.

Ugu danbeyntii bayaanka ayaa waxa lagu sheegay in kooxaha ka soo horjeedo hanaanka nabada ee Roadmap-ka lagu bogaadiyeen in ay ku soo biiraan dadaalada lagu dhameystirayo Roadmap-ka 20 August 2012-ka, islamarkaana ay door muhiin ah ka qaataan taabo galinta dastuurka cusub iyo dhaqan galkiisa.

Bayaankan ayaa waxaa si wada-jir ah ugu saxiixan wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika, Danjire Boubacar Diarra, ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramaada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, August Mahiga iyo Mr. Kipruto Arab Kirwa oo ah sarkaal IGAD u qaabilsan fududeynta howlaha nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Qaran ee Soomaaliya.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: