Advertisements

Dowladda Maraykanka oo baaritaan ku wado Abu Mansuur Al-Amriki inuu nool yahay ama inuu dhintay.

undefinedHalkaan ka akhri

Hay’adaha sirdoonka wadanka Maraykanka CIA,da iyo FBI,da ayaa waxay soo saareen warar la xiriira in Xarakadda Al-Shabab ay sheegtay inuu nool yahay Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abu Mansuur Al-Amriki oo horey Maraykanku u sheegay in Shababku dileen.

Sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan CIA-da Maraykanka  inay baaritaano ku samaynayaan waxa ka jira hadalka Al-Shabab ee ku saabsan in Abu Mansuur nool yahay iyo in kale.

Qaar ka mid ah Wargaysyada Maraykanka ayaa waxay qoreen inuu jiro tuhun dowladda mareykanka ka qabto nolosha Abu Mansuur Al-Amriki.

Warbaahinta taageerta Xarakadda Al-Shabab ayaa waxaa dhawaan lagu qoray war ku saabsan inuu noolyahay Cumar Xamaami oo loogu yeero Abu Mansuur Al-Amriki una dhashay wadanka Maraykanka hase ahaatee ka garab dagaalama Xarakadda Al-Shabab.

Sida ay horey u sheegtay Maraykanku in Abu Mansuur iyo xubno kale oo Shababka ka tirsanaa lagu dilay qeybo ka mid ah koofurta Soomaaliya kadib markii uu baahiyay cajal muuqaal ah oo uu ku sheegayay inuu qabo cabsi ah inay Shababku dilaan kadib markii ay isku khilaafeen Shareecada Islaamka iyo Siyaasada.

Somaliswiss     Washinton

Somaliswiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: