Advertisements

Xarakada Al-Shabaab oo xalay weerar ku soo qaaday magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

 

             

                   Halkaan ka akhr

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegayaa in Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday magaaladaas, halkaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya.

Qaar ka mid ah bulshada reer Baydhabo Goobjoogayaal ku ahaa ayaa waxay sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa mid aad looga gudaha degmada Baydhabo, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay.

Sidoo kale Saraakaal u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay iyagu weerarka soo qaadeen ayna ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ku dileen, qaar kalena ay dhaawaceen, hase yeeshee ma  sheegin khasaaraha kasoo gaaray dagaalkii xalay dhankooda.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga DKMG ah, Jen. Maxamed Cali Catoosh oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in koox yar ay weerarka soo qaadeen, base ciidanka dowladda ay fashilayeen.

Sida la wada ogsoon yahay Degmada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa tan iyo bishii Feberaayo ee sannadkan gacanta ku hayay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo dagaal la’aan ka qabsaday xoogaggii Al-shabaab ee muddada saddexda sano ah maamulka Gobolkaas gacanta ku hayey.

SomaliSwiss    Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: