Advertisements

Koox Dagaalyahanno oo Kenyan ah oo ku biirtay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya iyo Qarax ka dhacay magaalada Nairobi.

 

                      Halkaan ka akhri

Hal qof ayaa ku dhintay, ugu yaraan 10 kalena waa ay ku  dhaawacmeen, markii bambo gacmeed lagu tuuray meel u dhow kaniisad ku taalla Nairobi.

Qaraxan ayaa yimid 6 maalmood ka dib markii safaaradda Maraykanka ee dalka Kenya ay soo saartay digniin ku aaddan in laga yaabo in qaraxyo ka dhacaan goobaha muhiimka ah ee magaalada caasimadda ah.

Sida horay loo shaaciyey Koox Dagaalyahanno oo Kenyan ah ayaa sheegatay inay ku biireen Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya, waxayna sheegeen inay xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan dowladda Kenya.

Hoggaamiyaha dagaalyahannada dalka Kenya Sheekh Cali Iimaan Axmed ayaaCajalad maqal iyo muuqaal ahayd ku baahiyeyShabakada Xarakada Al-shabaab, wuxuuna sheegay inay la midoobeen Xarakada Al- Shabaab, wuxuu kaloo uu sheegay inay ka mid yihiin hoggaanka guud ee Al-Qaacida.

Sheekh Axmed Iimaan oo ku hadlayey afka Sawaaxiliga wuxuu yiri : “Waxaan heshiis kula galnay amiirka Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar Abuu-Subeyr in aan difaaci doonno diinta Islaamka, aana ka mid noqonayno hoggaankiisa oo qayb ka ah hoggaanka guud ee Al-Qaacida”.

Sidoo kale sheekh Iimaan wuxuu sheegay in isagu uu mas’uul ka yahay muslimiinta Kenya uuna difaacayo diinta iyo dadka Muslamiinta ah ee ku nool dalka Kenya, wuxuuna ugu baaqay dagaalyahannada Kenya inay sii laba-laabaan dagaalka ay kula jiraan xukuumadda Kenya.

Hoggaamiyaha Muslamiinta Kenya oo la hadlayey Abuu-Subeyr wuxuu yiri : “Amiirkeeynoow (Abuu-Subeyr) waxaan diyaar u nahay inaan howl walba oo aad noo dirto qabanno, waxaana ballan ku qaadaynaa inaan xoojin doonno dagaalka aan kula jirno xukuumadda Kenya”.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: