Advertisements

Suldaan Keenadiid: “Dowladda Puntland Isimada ay Muqdisho u dirtay maaha kuwa cadaalad lagu soo xulay ”.

undefinedHalkaan ka akhri

Iyaddoo lagu wado inay maanta ka dhoofaan isimada Puntland uga qeybgalaya ansixinta dastuurka lagu muransan yahay ee ka dhaceysa Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya eedeymo loo jeedinayo qaabka lagu soo xulay isimadaasi,iyaddoo laga tagay rag magac ku leh nidaamka isimada Puntland.

Suldaan Abdiqaadir Suldaan Cali Suldaan Yusuf Keenadiid oo kamid ah raga ugu miisanka culus ee deegaanada Puntland ayaa markii uu iska waayey liiska isimada maanta u dhoofaya bilaabay eedeyn uu dusha uga tuuray maamulka Puntland islamarkaana ku tilmaamay inuu nidaamka lagu soo xulay isimada uu yahay mid sharciga baalmarsan.

”Waxaa Puntland ay si indho la’aan ah u dhinac martay sharcigii u degnaa dadka dhistay gaar ahaan qeybta dhaqanka,waxaana ay bilowday  inay iska sameyso wixii ay rabto ee aan la fiirin waxa sharcigu yahay” Ayuu yiri Suldaan Keenadiid.

Dhinaca kala waxaa uu sheegay in beelaha qaar min laba isin loogu daray wefdiga  Muqdisho u baxaya iyaddoo meesha uu kasoo jeedo ee ah Cismaan Maxamuud la siiyey hal isin. Taasi oo uu ku tilmaamay cadaaladdaro  midii ugu weyneyd oo lagu sameeyo nidaamka dhaqanka.

“Beelaha qaar waxaa u baxay min laba xubnood oo dhaqanka ah,halka beesha Cismaan Maxamuud oo kamid ah kuwa ugu magaca weyn la siiyey hal xubin. Marka arrintaasi marna ma ahan mid la aqbali karo ” Ayuu yiri Suldaanka.

Waxaana sidoo kale uu baaq u diray Dowlada Soomaaliya oo uu ka dalbaday inay wax ka qabato qaladka ka jira dhinaca  ergooyinka loo soo dirayo ka qeybgalka shirka Muqdisho ee ansixinta dastuurka dooda ay ka taagan tahay, haddii aan sidaasi wax looga qabana aysan waxba ka socon doonin wixii kasoo baxa shirkaasi. waa sida uu hadalka u dhigaye.

Shirka isimada Puntland usoo baxayaan maanta ayaa waxaa wararka qaar sheegayaan sida uu ku dhici karo waqtigii loogu talogalay maadaama badi qabaa’ilada Soomaaliyeed iyo qaarka mid ah culumada ay ka biyo-diideen meelmarinta dastuurkaasi oo ay ku jiraan qaladaad badan. sida ay sheegeen.

SomaliSwiss Boosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: